.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 28, 2012

War-Saxaafadeed: Somaliland Way Tagaysaa Shirka Turkiga Lagu Qabanayo...*Dhegta-maal*


War-saxaafadeed:

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay dalka Jam, Diimuqraadiga ah ee Somaliland oo ku saabsan ka qayb galista shirka lagu qabanayo dalka Turkiga ee ah, sidii dib-u-heshiisiin iyo is-maamul loogu samayn lahaa dadka ku dhaqan Somalia-Italiano, ayaa lagu cadeeyay in Somaliland ay qayb ka mid ah shirka ka qayb-galayso, qaybtaasi oo ah dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta., war-saxaadeedkii ay Somaliland soo saartay waxa uu u qornaa sidan;

'' Dawlada Somaliland waxa ay marti-qaad rasmi ah ka heshay dawlada Turkiga oo ku soo casuuntay inay ka soo qayb-gasho shirka dhawaan ka furmi doona caasimada Turkiga ee stanbuul, martiqaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu ay Somaliland siin doonta hab-maamuus u cuntama oo la mid ah kii ay lahayd shirkii lagu qabtay London (UK) bishii Feb, 2012.

Sidaas darteed dawlada Somaliland waxa ay go'aansatay inay ka qabgasho shirka qabtiisa lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha oo ay u aragto inay dani ugu jirto qaranka Somaliland, hase yeeshee shirka qaybahiisa kale ma aha qaar khuseeya Somaliland Waxana shirka dhanka Somaliland uga qayb-galaya afar wasiir oo kala ah;

1- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

2- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire.

3- Wasiirka Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade.

4-  Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

Ugu danbaynta waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanay Somaliland ka qayb geli doonin wajiga labaad ee shirka oo lagaga hadlayo waxa loo yaqaano Road Map-ka, kaas oo habayaraatee aan khusaynin Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland.

Allaa Mahad Leh.

---

*Dhegta maal*

No comments: