.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, May 12, 2012

Wasiirka Kaluumaysiga Oo Ka Waramay Nuxurka Heshiiska Cusub Ee Somaliland Iyo Djibouti


- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyey dulucda heshiis la xidhiidha dhinaca khayraadka badda aan weli si rasmi ah loo dhammaystirin oo dhexmaray dawladaha Jabuuti iyo Somaliland. Wasiir Geeljire oo waraysi khaas ah khadka telefoonka Jamhuuriya ku siiyey shalay, waxa uu sharraxaad ka bixiyey nuxurka heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Jabuuti, isagoo tilmaamay in aannu jirin khayraad dalku leeyahay oo cid kale lagu wareejiyey ama xaalmarin ahaan loo siiyey, balse wuxuu caddeeyey in heshiiskaasi la xidhiidho sidii Somaliland iyo Jabuuti isaga kaashan lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu waraysigaas kaga hadlay qaabka Somaliland iyo Jabuuti u wada galayaan heshiiska dhinaca badda, faa’iidada labada dal arrintan ugu jirta, muddada heshiiska lagu dhammaystiri karo, sida Jabuuti uga qaybqaadan karto ilaalinta ammaanka badda Somaliland iyo sababaha keenay inay Jabuuti oo bad leh la galaan heshiis ku saabsan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha Somaliland. Waraysiga Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan:

Jamhuuriya: Wasiir; waxa jira warar lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland oo sheegaya in xukuumaddu khayraadkii badda ku wareejisay dalka Jabuuti, bal arrintaas warbixin naga sii?

Wasiirka Kalluumaysiga: Horta khayraad aynu leenahay oo cid kale lagu wareejiyey ma jiro, khayraadka dalkana lama wareejin karo, laakiin iskaashi ayeynu la samaysanaynaa waddanka Jabuuti, heshiiska la galayna wuxuu ahaa mid guud oo la xidhiidha sidii labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti isaga caawin lahaayeen dhinaca kalluumaysiga oo waxa jira waxyaabo Jabuuti u fudud inay samayn karto oo waxa jira jihooyin iyaga u furan oon innaga inoo furnayn, heshiiskuna weli gebagebo maaha oo lama dhammayn oo farsamayaqaanno aynu leenahay ayeynu diranaynaa.Waxa kaloo inoo imanaya farsamayaqaanno reer Jabuuti ah, markaas kadib ayaana la kala caddayn doonaa habka loo wada shaqaynayo.

Heshiisyada Jabuuti inala gelayso ama dawladd kaleba inala gelayaan waxay ka mid tahay wada-shaqaynta innaga dhexaysa xukuumadaha iyo dawladaha ka jira dalalka caalamka, Jabuutina waxay intaas dheer tahay waxaynu nahay dad jaar ah oo xidhiidho badan wadaaga, markaa Jabuuti waxay innaga caawin kartaa waxyaabaha ay ina dheertay, waayo waa dal la aqoonsan yahay oo ka shaqayn kara horumarinta kalluumaysigeenna iyo sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa, hadday tahay dalalka Gobolka Geeska Afrika, Yemen iyo dalalka kale ee innagu dhawba, waxay ka shaqayn kartaa sidii la innoogu casuumi lahaa shirarka caalamka ee lagaga hadlo arrimaha kalluumaysiga oo aan Somaliland lagu casuumin, kalluunkeenana Jabuuti suuq bay u raadin kartaa marka lagaga baahi baxo dhinaca dalka gudihiisa ee dadku bartaan siday kalluunka uga soo qabsan lahaayeen badaha.

Heshiiska Somaliland iyo Jabuuti ee dhinaca khayraadka badda waxa lagu xaddidi doonnaa qodobo cadcad oo lagu qeexayo faa’iido innoogu jirta. Waxa Jabuuti ugu jira oo waxaynu doonaynaa in aynu heshiiskaas ka saarno wixii aan dalkeenna qaban, iyaguna ka reebaan wixii aan qaban, laakiin xumaan ma aha inaynu mabda’ ahaan heshiis galo, waxaanan odhan lahaa midna halaga yara waantoobo oo dalka Somaliland wuxuu leeyahay sharci, goleyaal iyo dad muwaaddiniin ah oo ilaashada, wax la iska wareejiyaana ma jiraan, wixii niyad-wanaag ah ee iyadoon khalad dhicin lagu heshiiyaa waa meesheeda, laakiin eedayn jaahilnimo ah oo la iska yidhaa khayraadkii dalka ayaa la wareejiyey waa wax lala yaabo. Dadkeenna iyo ubadkeennu xagay ku hadhayaan haddii khayraadka dalka cid kale lagu wareejiyo?

Jamhuuriya: Waxa jiray wefti reer Jabuuti ah oo toddobaadkii hore loo diiday inay Somaliland soo galaan, markaa waxa la leeyahay si Jabuuti arrintaas looga raalligeliyo ayaa loo fasaxay inay ka faa’iidaystaan khayraadka badda Somaliland?

Wasiirka Kalluumaysiga: Arrintaasi inay been tahay waxa u daliil ah bishii October ee sannadkii 2010 ayey Somaliland iyo Jabuuti kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii la isaga kaashan lahaa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo aniga (Wasiir Geeljire) iyo Wasiirka Kalluumaysiga Jabuuti ayaa ku heshiinay in aannu galno heshiish kalluumaysi, arrintaasna meel walba waa laga sheegay oo saxaafaddu way qortay. Taas waxa ka dambeeyey in agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland ay tageen Jabuuti, iyagoo la soo kulmay dhiggooda Jabuuti, waxayna labada dhinac soo diyaariyeen wixii aannu ku heshiin lahayn.

Markaa arrintani ma aha wax cusub oo bilaabantay markii weftiga reer Jabuuti dalka laga celiyey, laakiin wuxuu ahaa hannaan soo socday ilaa bishii October 2010, dhamaystirkiisuna weli ma dhowa, waxase jira hab-maamuus (borotakool) ah in xayndaabka guud ee heshiiska la soo xidho oo sidii qolo walba ugu talogashay u dhammaystirto, lagana shaqeeyo tifaftirkiisa iyo dhammaystirkiisaba, taasna waxa saxeexa wasiirrada arrimaha dibadda.

Arrintii heshiiska aasaaska u ahayd anigaa soo oggolaaday oo waxaannu hore u kala saxeexanay Wasiirka Kalluumaysiga Jabuuti, markaa dhammaystirkiisana waxa borotokool ahaan saxeexaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, arrintanna muddo ayey soo socotay, waddamaduna khayraadkooda xaal uma bixiyaan, balse waxay isu diraan oo isdhaafsadaan raalligelin iyo xaalmarin af ama qoraal ah.

Ta kale, dawladda Jabuuti si rasmi ah ugamay caban Somaliland, innaguna si rasmi ah ugamaynu caban Jabuuti. Khaladkii dhacay ee weftiga la celiyey ahaa ee Badhasaabkii Gobolka Salal sameeyeyna waa tii la saxay ee isagiina xilkii laga qaaday.

Jamhuuriya: Heshiiskani ma wuxuu qeexayaa in Jabuuti soo saarto kalluunka Somaliland oo suuq u raadiso, mise Somaliland ayaa kalluunka la soo baxaysa oo Jabuutina waxay ka caawinaysaa dhinaca suuqa; bal qaabka heshiisku yahay faahfaahin ka bixi?

Wasiirka Kalluumaysiga: Heshiisku wuxuu noqonayaa in aynu kalluunkeenna soo qabsano oo Jabuuti innaga iibsato. Waxa kaloo uu heshiisku sheegayaa inaynu maraakiibta Jabuuti siinno ruqsad ay baddeenna kaga kalluumaysan karaan, cashuurna ka bixiyaan sida sharcigeenna waafaqsan. Sidoo kale, waxa heshiisku ku wajahan yahay inay tababarro u fidiyaan kalluumaysatadeenna oo dhinaca awoodda kalluumaysiga ka dhisaan. Waxa kale oo uu sheegayaa in Jabuuti innaga caawin karto dhinaca suuqgaynta kalluunka, markaa waxyaabo kala duwan ayuu heshiisku ku waajahan yahay, laakiin qodobaddiisa iyo ka shaqayntiisu weli waa qabyo oo lama dhammaystirin.

Jamhuuriya; Wasiir; inta Jabuuti oo bad leh heshiis lala galayo miyaanay ka habboonayn in dalalka kalee aan badaha lahayn sida Itoobiya oo kale lala galo heshiisyo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka badda?

Wasiirka Kalluumaysiga: Waxa weeye heshiisyada ayaa kala jaad ah oo waa run Jabuuti bad ayey leedahay aynu wadaagno, markaa waxa iminka is dabbaqaya baahiyaheenna, heshiiskanna waa suuqgayn. Wax allaale wax innaga maanaca inaynu heshiisyo la galno dalalka aan badaha lahayn ma jiro.

Itoobiya waxa lala geli karaa oo haddaba waxa lala galaa heshiisyo dhinaca ganacsiga ah oo haddaynu kalluunkeenna ka adkaanno inaynu soo qabano Itoobiya heshiis waynu kula geli karnaa, laakiin iminka maba soo qaban karno kalluunkeenna oo soo qabashadii aynu Itoobiya kaga iibin lahaynba ma lihin, waana arrin u taal wasaaradayda iyo xukuumadda in la koriyo sidii loogu guulaysan lahaa kalluumaysiga dalkeenna, ka ganacsiga kalluunkuna hab ayuu u baahan yahay oo maxjarkan xoolaha oo kale ayuu u baahan yahay si loola socdo tayadiisa iyo caafimaadkiisaba si loogu helo suuq caalami ah.

Iminka Jabuuti oo dal la aqoonsan yahay ah kalluunkeeda kama iibin karto dalalka Yurub oo tayada ayaa kaantaroolaysa, waayo dad kale ayaad caafimaadkooda ilaalinaysaa. Waxa kale oo aad ilaalinaysaa sumcadda dalkaaga, marka xuduudaha caalamiga ah laga tallaabana waxa jira waxyaabo caalami ah oo ay tahay inaad ku shaqayso, markaa wixii markaad ka adkaato ayaad suuq heli kartaa.

Jamhuuriya: Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti waxa uu sheegay in aanay Somaliland lahayn awood ay ku ilaaliso baddeeda, kana shaqayn doonaan siday Somaliland caawin doonaan ilaalinta ammaanka baddeeda, markaa ma ciidammada badda ee Jabuuti ayaa biyaheenna imanaya si ay ammaanka uga qaybqaataan?

Wasiirka Kalluumaysiga: Horta Jabuuti qudheedu ma laha ciidan awood leh oo ay ku ilaaliso bad ballaadhan oo ta Somaliland oo kale ah, laakiin innaga ayuun bay ina yara dhaammaan oo inta aynu jaarka ka nahay way inala ilaalin karaan marka heshiiska la dhammaystiro oo marka horeba horta waddan walba 12km oo badda ah ayuu xaq u leeyahay oo waxa la yidhaa Nautical Mile. Wixii ka dambeeyaa dhaqaale ahaan ayey waddamadu u isticmaalaan, markaa wixii badweynteenna gala awood aynu ku soo baadhno uma lihin oo ciidankeenna baddu wuu yar yahay, laakiin wuu dhismayaa, markaa wixii Jabuuti innagu dhaanto ee ku beegan jihadeena way inala ilaalin karaan oo in aynu iska kaashanno waxba kuma jabna oo wax innaga inoo dan ah.

Jamhuuriya: Waxaad sheegtay in aannu weli la dhammaystirin heshiishka dhinaca khayraadka badda ee Somaliland iyo Jabuuti wada galeen, ilaa goorma ayaad is leedahay heshiiskaas waa lagu dhammayn karaa oo dhaqangal ku noqon karaa?

Wasiirka Kalluumaysiga: Intii uu qaataba waa lagu dhammayn karaa oo waa inta la isla saxayo uun, waxaanan rajaynayaa inuu ku gebageboobi doono ilaa dhawr bilood gudahood.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: