.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 17, 2012

Somaliland: Wafdigii S/L Uga Qaybgalayay Wada-hadalka Somaliland Iyo Somalia Oo Ambo-baxay


- Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland, Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay in wada- hadalka dhexmaraya Somaliland iyo maamulka DKMG Soomaaliya uu maalinta Arbacada ah ka furmayo magaalada London ee dalka Britain.

Somaliland ayaa waxaa shirkan uga qayb-galaya shan xubnood oo maanta ka dhoofay caasimada jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland, iyaga oo ku sii jeeda dalka Ingiriiska, haseyeeshee dawladda maamulka KMG ee Soomaaliya ayaan wax hadal ah ka soo saarin ilaa haatan shirkan wada-hadalka ah cida uga qayb-galaysa. “Waxaanu doonaynaa inaannu wadahadalada ku soo bandhigno madaxbannaanida iyo himilada shacabka Somaliland,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Md. Maxamad Cabdilaahi Cumar.

Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa lagaga wada hadli doonaa arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, inkasta oo Somaliland ay ku adkaysanayso go'aankeeduna yahay dawlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, oo doonayso in shirku uu noqdo mid horseed u noqda in Somaliland ay madaxbannaani taam ah hesho.

“Dawladda Soomaaliya way nagu soo wargelisay xubnaha dhankooda ka imanaya, waxaanan rajeynayanaa in shirkan oo bilow u ah shirar kale oo dhici doona ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay inay fikrado badan shirkaas ku wadaagi doonaan iyaga iyo xubnaha dawladda KMG ah ka socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mustaqbalka guud ee Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in shirkani uu yahay kii ugu horreeyay ee dhex mara Somailland iyo Soomaaliya muddo 20-sanno ah.

Mar la weydiiyay go’aankooda haddii loo soo bandhigo inay federaalka qayb ka noqdaan ayaa wuxuu yidhi: “Nidaamka Somaliland kuma dhisna federaal mana ogolaan karno, waayo waxaanu nahay dowlad madaxbannaan.”

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Md. Maxamad Cabdilaahi Cumar wuxuu sheegay in shirkan ay ka qaybgalayaan xubno ka socda dalalka Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub oo leh qabanqaabada shirka, bal se wadahadalladu uu yahay mid dhexmara iyaga iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Somalilanders

No comments: