.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 28, 2012

Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Sheekh Shariif Oo Dubai Heshiisyo Ku Gaadhay.. *Dhegtamaal*


- Madaxweynaha Jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee dalka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ''Siilaanyo'' iyo madaxwaynaha DKMG ah ee Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa goor dhawayd waxa uu kulankoodii ugu horeeyay ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Emirate-ka. Kulankan oo ay marti-galisay dawlada midawga Emirate-ka Carabta ee Dubaim ayaa waxa uu daba socdaa shirarkii hore ee labada jeer ka dhacay, London iyo Istanbul iyo waliba kulankii todobaadkii hore magaalada London ku dhexmaray ergooyinkii badnaa ee ka kala socday DKMG iyo Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac u taageeri lahaayeen hannaanka geedi-socodka wada-hadalada labada dhinac ee bilowday todobaadkii hore. Labada mas’uul waxay ku heshiiyeen inay wada-hadaladu sii socdaan in guddiga labada dhinac loo ogolaado inay sii wadaan wada-hadal si loo cadeeyo xidhiidhka mustaqbal ee labada dhinac dhexmari kara. Idaacada Somali-voa ayaa ka diyaarisay war-bixin ku saabsan arintan iyo waliba waraysiyo kale oo intaa dheer.

*Dhegta maal*

No comments: