.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, June 18, 2012

M/Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia *Dhegta maal*


- Todobaadkan aan haatan ku jirno maalinta Arbacada ah ee ay taariikhdu ku suntan tahay 20-ka bisha Juun waxaa magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska  ka furmaya, wada-hadaladii ugu horeeyey ee rasmiga ahaa ee dhexmara Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland iyo maamulka DKMG ee Somalia, oo ujeedadiisu tahay sidii ay hufnaan iyo habooni ku kala noqon lahaayeen labadii dal ee 01/07/1960 isku biiray ee sameeyay waxii la isku odhan jiray Somalia Republic.

Hadaba, maanta oo ay idaacada Somali-voa arintaa ka waraysatay madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland Md. Cabdi-raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxad moodaa, in madaxayne ku xigeenku aanu jawaabihii ku haboonaa ka bixin su'aalo uu ku celcelinayay nin wariye ah oo u shaqeeya Somali-voa. Somaliland 21 Gu'  iyo dhiidhii ayay meel kastaba ka sheegaysay inay la noqotay qaran-nimadeedii oo aan wax danbe iskugu hadhin dalkii SOMALI-ITALIANO ee ay midoobeen, lama filayo maanta in ay arintaasi qofna mugdi kaga jirto, cidii ku qanci waydaana iyadaa LAF-CAD Toobin ku haysa! Bal dhuux jawaabaha qaar!

*Dhegta maal*

No comments: