.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 14, 2012

Somaliland Oo Shan Xubnood U Magacawday Wada-hadalka Somalia


 - Somaliland ayaa shan xubnood oo qaarkood cusub yihiin u magacowday shirka gogol xaadhka ah ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo dalka Ingiriiska. Somaliland waxa ay intaa ku dartay in ujeedada shirka ay geesteeda ka danaynaysaa tahay in, labadii dal ee midoobay 1960-kii ay si walaaltinimo iskugu duceeyaan oo u kala baxaan. Somaliland waxa ay ahayd dal soo jiray midowga hortii, imikana waxa ay iyada oo xor ah jirtaa 21 Gu'. Sidaas darteed wax sharci ah oo sandulayn karaa ama ka badali karaa go'aankeeda ma jiro. Dhanka Soomaaliya waxa ka soo baxayay hadalo aad uga duwan kuwa Somaliland oo waxa ay warbaahinta iyagu (Somalia-italiano) u sheegayeen in midnimadii dib loo soo yagleeli doono, shirkuna uu taa ku salaysan yahay, arintan oo ah mid aan dhego maqlaa haatan ku ool Somaliland iyo dadkeeda. Gudida imika ay dawlada Somaliland u xushay inay kala-baxa Somaliland iyo Soomaaliya uga qayb galaan waxa ay kala yihiin;

1- Maxamed Cabdilaahi Cumar W/Arim/Dibada (Gudoomiye)
2- Baashe Maxamed Faarax G/ X/ 1aad, ee g/wakiiladda (Xubin).
3- Faysal Cali Waraabe G/ Xisbiga UCID (Xubin).
4- Xirsi Cali Xaaji Xasan W/ Madaxtooyadda (Xubin).
5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) W/ Shaqada (Xubin).

Wyl-News

No comments: