.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, June 19, 2012

USAID-Ka Oo Malaayiin Doolar Ku Maalgalinaya Ganacsato Reer Somaliland ah!


- Dawlada Maraykanka ayaa gargaar toos ah bilowday inay siiso dadka meheradaha yaryar ka shaqaysta ee reer Somaliland, iyada oo hayadeeda la yidhaa USAID ee shaqadeedu ay tahay horumarinta iyo gargaarka dadka u baahan badhi-taageerka dhaqaale u sii marinaysa. USAID ayaa dhawaan ka bilowday Hargaysa (Somaliland) tartan loo galayo maalgalin lagu siinayo cidii ku guulaysata $1,000000 (Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah) oo cadaan ah (cash). Arintan oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo dalka Somaliland oo tijaabo ah, ayaa waxa tartan u galay iyaga oo soo banhigaya fekredahooda najaxi kara ee ay u baahan yihiin in loo maalgaliyo dad ka kooban 292 xubnood, waxana gabogabadii ku guulaystay tartankaa fursada wayn ee maal-galinta iyo caawimada wada jirta ah 13 xubnood oo ka mid ah dadkii tartanka galay.

Lacagta cadaanka ah ee la siinayaa xubnahaa ku guulaystay waxay haatan dhan tahay $ 1 million (hal milyan oo doolar oo lacagta Maraykanka ah), qaybaaha kale ee dabo socdaana waxa ay ku xidhan yihiin hadba sida ay mashruucyadani noqdaan! Faahfaahin ku saabsan arintaa waxa soo diyaarisay idaacada Maraykanku leeyahay ee Somali-Voa.

*Dhegta maal*

No comments: