.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 10, 2012

Xil-dhibaan Nac-Nac Oo u Jawaabay Xildhibaano (Rayte iyo Rooble) Weeraray Madaxwaynaha


''markuu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble leeyahay Madaxweyne waxaad Cabdiraxmaan Tuur baday lama gaadhin dadkuu ku kicinayaa waana fidmo abuur, ummadana in fidmo la kala dhex dhigo looma baahna''. Xildhibaan NacNac

- Xoghayaha guddida joogtada golaha wakiilada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa ku eedeeyay xildhibaanada Kulmiye ee eedaha culus u jeediyay hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo ay ku fashilmeen inay ka soo xaadiraan fadhiyada golaha, tilmaamayna in xildhibaanada golaha aan fadhiyadiisa ka soo xaadirin ay talaabo anshax marin ah ay ka qaadi doonaan.

Xildhibaan Nacnac waxa uu intaa ku daray in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble weedhihii uu dhawaan ku duray Madaxweyne Siilaanyo ay ahaayeen kuwo fidmo uu ku abuurayay shacbiga iyo xukuumadana uu iskaga horkeenayo, waxaanu ugu baaqay xildhibaanada Kulmiye ay ka soo wada jeedaan ee Siciid Cilmi Rooble, Ibraahim Jaamac Cali Rayte iyo Axmed Ibraahim Daahir (Axmed weyne) iyo Axmed Ducaale Bulaale inay ka waantoobaan hadalada dhiifta leh ee ay soo marinayaan warbaahinta, isla markaana kula taliyay inay ka soo qaybgalaan fadhiyada golahooda oo uu sheegay inay fadhigii shalayba ka maqnaayeen.

Xoghayaha guddiga joogtada wakiilada Md Nacnac waxa kale oo uu sheegay in kooxda dhaliilaha u jeedinaysa golahooda iyo hogaanka shirgudoonka ay yihiin xubno labaataneeyo ah oo hore ugu fashilmay mooshin ay ku doonayeen inay ku ridaan shirgudoonka, waxaanu ku tilmaamay kuwo xilkii iyo waajibaadkii ka saarnaa ka soo qaybgalka fadhiyada golahooda kaga mashquulay dhaliilo ay ka soo jeediyaan warbaahinta.

Xildhibaan Nacnac oo shalay wargeyska Haatufwax ka waydiiyay xildhibaanadooda Kulmiye ee dhawaan eedaha culus u jeediyay Madaxweynaha iyo mooshinka la sheegay inay ku hawlan yihiin ee ku lidka ah hogaanka wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Mar horeba way isku dayeen mooshinadaasi waxna way ku qaadi waayeen, afkooda ayuunbay iska xumaynayaan shirgudoonkana waa kuwii ridi kari waayay, waa labaatankii xildhibaan uun wax ku soo kordhayna ma jiraan, fadhigii saakaba miyay nala joogaan, afartii xidhibaan ee qaylinayay miyay fadhiga golaha joogaan”

Xoghayaha guddiga joogtada iyo anshaxa oo aanu waydiinay in talaabo anshax marin ah ay ka qaadayaan xildhibaanada fadhigaasi aan ka soo xaadirin, ayaa waxa uu yidhi ;
 
“Talaabo anshax marin ah waanu ka qaadaynaa, maalina way imanayaan golaha maalina way go’nayaan, xubnahaasina waanu ka qaadaynaa qaar kalena talaabo waa laga qaadayaa , waxay Madaxweynaha iyo xisbiga ku dhaliilayaan bal gudahayaga ha ka sheegaan, xukuumada ayay doonayaan in shacbiga ay ku kiciyaan, markuu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble leeyahay Madaxweyne waxaad Cabdiraxmaan Tuur baday lama gaadhin dadkuu ku kicinayaa waana fidmo abuur, ummadana in fidmo la kala dhex dhigo looma baahna, waxaanu leenahay xildhibaanadaasi dibadaha ka qaylinaya golahooda Baarlamaanka ha yimaadaan oo wixii ra’yigooda ah golahooda haka dhex sheegaan, laakiin waa ceeb inay warbaahinta ka soo qayliyaan”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: