.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, June 12, 2012

Xukun Qarqoosh, W/Q: Prof, C/Salaam Yaasiin


Sheeko Gaaban: Xukumada la yaabka leh ee loo tiriyo Amiir Qarqoosh waa taan qarkood hore idiinku soo gudbiyay. Waxa kale oo ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran. Nin dambiile ah ayaa Qarqoosh ku xukumay dil delelaad ah. Markii loo diyaariyay halkii lagu deldelayay, ayaa askarti soo kaxaysay dabeedna waa la saaray. Xadhigii lagu deldelayay markii la ag joojay, ayaa askarti waxay aragtay in uu dembiiluhu ka gaabanyay xadhiga oo aan luquntiisu gaadhayn.

Arrintii ayaa Qarqoosh loo sheegay. Ka dibna halkii ninka loo diyaariyay in lagu deldelo ayuu yimi, si uu indhiisa ugu arko mushkiladda meesha taal. Askartii mid ka mid ah ayuu ku yidhi, “Bal ninka meesha saar oo xidhiga luqunta u geli.” Askarigi markii uu amarkii Qarqoosh fuliyay, ayaa waxa Amiirkii u cadaatay in uu dembiiluhu ka gaabanyahay xidhiga oo aan luquntiisu gaadhayn.

Markay sidaasi u cadaatay, ayaa Qarqoosh askarigii ku jeestay. Wuxu ku yidhi, “Askari, bal adigu is ag taag xadhiga.” Askarigii baa xadhigii is ag taagay. Qarqoosh baa arkay in ay askarga luquntiisu gaadhayso xidhiga. Halkii ayuu amar ku bixiyay oo yidhi, “Mar haddii ay luquntiisi gaadhay, askarigaba deldela!!!”

Waxa Qarqoosh caado u ahayd in uu lacag uu ugu talo galay sadaqad sanadkii bixiyo. Taana dadkuu u talinayay way ugu barteen. Iyada oo taageeradaa doonaysa, ayaa waxa u timi haweenay sabool ah oo ninkii ka dhintay. Markaasaa waxay ku tidhi, “Amiir, odaygaygii ayaa mar dhaweed dhintay, waxan kafan u siiyona ma hayo.

Ilaahay khayr ha kuugu bedelee, waxan kafan ugu iibiyo sadaqadaad bixin jirtay iga sii.” Wuxuu haweenadii ku yidhi, “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waan ka xumay xilliga aad ii timi, oo lacagtii aan sadaqadda ugu talo galay waa dhamaatay. Markaa, sandaka dambe ii kaalay, haddii Alla yidhaa!!!”

By Prof. Cabdisalaam Yaasiin

No comments: