.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, July 12, 2012

Faysal C. Waraabe iyo Mustaqbalkiisa Xisbiga UCID *Dhegta-maal*


- Xisbiga siyaasiga ah ee ka midka ah xisbiyada qaranka ee sedexda ah ee ka jira dalka Somaliland ee la yidhaa magaciisa UCID, oo intii uu jirayba uu hogaamiya u ahaa mudane eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta waxa ku soo biiray nin ka mid ah dhalin-yarada haatan hungurigu kaga jiro talada dalka oo magaciisa la yidhaa Jamaal Cali Xuseen. Jamaal waxa uu ka tirsanaan jiray markii hore xisbiga kale ee siyaasiga ah ee magaciisa la yidhaa UDUB.

Isla maanta markii uu ka cadeeyay fadhi uu yeeshay xisbiga UCID iyo koox la socotay Jamaal Cali Xuseen inuu ku soo biiray xisbiga UCID, ayaa waxa goobtaa laga sheegay inuu mudane Jamaal noqonayo musharaxa xisbiga ee u loolami doona jagada ugu saraysa dalka ee ah madaxwaynenimada! Jamaal oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu xisbiga UCID u ordi doono doorashada soo socota, waxana uu ka mahad sheegtay Faysal Cali Waraabe, oo uu sheegay inaanu wax shuruud ah ku xidhin ku biiritaankiisa xisbiga UCID. Idaacada Somali-voa ayaa war kooban oo ku saabsan arintan ka faafisay!

*Dhegta maal*

No comments: