.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, July 13, 2012

Macalinka Doonaya Inuu Cid Wax Baro Waa Inuu Helaa Arday U Diyaara Waxbarasho


- Hormuudka Madaxa Ardayda Jamacadda Alpha Prof. Ahmed Abdi Esse ayaa shalay ka furay kulan u furay gudidda ardayda Jamacadda, kaas oo ka dhacay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Kulankaas ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Alpha Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Madaxa ardayda jaamacada Axmed Cabdi Ciise, Prof. Ali Hassan iyo guddida ardayda ee Jaamacadaas.

Ugu horayna waxa kulankan ka hadlay Madaxa ardayda ee jaamacada Alpha Axmed Cabdi Ciise waxaanu sheegay in kulankaas lagu lafa guri doono waayo aragnimadii laga dhaxley mudadii ay jaamacaddu furneyd, isla markaana waxuu sheegey in kulan kani lagu daraaseyn doono tayeynta waxbarashada iyo kor u qaadida habka wada shaqeyneed ee maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Alpha, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaynu u baahan nahay inaynu halkan ku falanqayno oo aynu ku lafa gurno mudadii aynu ku jirnay Jaamacada waxyaalaha caqabadaha ah ee waxbarashadeena ka hor imanaya, amba loo baahan yahey ineynu kor ugu qaadno tayeynta waxbarasha isku xidhnaanta maamulka , u xogogaal noqosha tabashooyinka ardeyda si loogu darsado qorshe Jaamacaddeedka danbe ee mustaqbalka”.

Sidoo kale waxuu kula dardaarmey in kulankani ahaado mid laga faa’iido kana soo baxaan cilmi baadhis go’aano wadata oo noqonkara dhaxal gal waxaanu yidhi “Waxaan maanta ka wada hadleynaa maaha kulan aan iska qabaney macno daro laakiin waa kulan aan ku daraaseyneyo wax taabanaya mustaqbalka ardeyda, loona baahan yahey inaan u eegno si cilmiyeysan, go’aanada aan ka soo saari doono ay noqondoonaan qaar dhaxal gala oo midho dhala, wada jir ayey gacmo wax ku gooyaane waa inaan talo wadaag yeelanaa hadey tahey toosin hadey tahey dhaliilo hadey tahey wax inaga dhinaa oo loo baahan yahey in la soo kordhiyo”.

Waxa isaguna halkaa ka hadley gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Alpha Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo isaguna kulankan ka hadlay ayaa sheegay in kulamada noocan ah ee lagaga doodayey qorshaha jaamacadu ay mudo soo socdeen, waxaanu yidhi “Maanta waxaynu iskugu nimid qorshe mudo soo socdey oo waxayna Jaamacaddu danaynaysaa inay hesho wixii wanaagsan ama xun ee ka hor yimid ardayda jaamacada,markaa kulankani maaha kii ugu horeeyey ee waxa jiray kulamo kale oo aanu ugu tala galnay hadii ay tahay macalimiinta Jaamacada, Shaqaalaha Jaamacada , Maamulka Jaamacada iyo Ardayda Jaamacada-ba”.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Alpha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Kulankan maantu waa kii ardayda, waxaaynu rabnaa inaynu raadino wax walba oo aynu carqalad u arki karno ama ardayda ha ka hor timaado oo ha kaga timaado dhinaca Jaamacada, ama dhinaca ardeyda ha ka timaado. waxaana loo baahan yahay in ardaygu meelo badan wax ka eegto marka uu qofku doonayo inuu waxbarto waxa uu u baahan yahay inuu helo agabkii uu wax ku baranayey ama uu ka baranayey kaas oo uu ku jiro xitaa Macalinkii wax u dhigayey ardayga, isla markaana macalinka doonaya inuu cid wax baro waa inuu helaa ardey u diyaara wax barasho si ay guuli u timaado”.

Dhinaca kale Maaha markii ugu horaysay ee Jaamacada Alpha ay qabato kulamo noocan oo kale ah balse waxa hore ugu soo hirgalay kulamo ay kaga hadlayeen qorshaha Jaamacada ee Mustaqbalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta waxbarasho ee Jaamacadda Alpha.

W/q: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

No comments: