.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 3, 2012

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Iyo Wafdigiisii Oo DUBAI Ka Soo Noqday

IMG_2103

- Madaxweynaha Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee dalka Somalland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ''Siilaanyo'' oo todobaadkii hore magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo xukuumada KMG Soomaaliya, ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera ee jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland. Madaxweynaha iyo wafdiga uu watay ee ka soo guryo noqday dalka Imaaraadka Carabta waxa garoonka ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah, xildhibaan iyo maamulka gobolka Saaxil, waxana ay ka hadleen wada hadaladii dalka Imaaraadka ka dhacay oo ay ku tilmaameen qaar guul ku soo dhamaaday oo waxtar wayn-na u leg siyaasada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo'' oo saxaafada kula hadlay gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera ayaa sheegay in wada-hadaladii ay ku muujiyeen sida ay qadiyada Somaliland u tahay mid aan gorgortan gali karin, ay sidaasina u sheegeen weftiga ka socday dhanka Soomaaliya, waxa kale oo halkaa aan ku heshiinay in gargaarka caalamiga ah si u siman labda dal loo qaybsan doono.

WYL-News

No comments: