.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, July 1, 2012

Madaxwayne Siilaanyo Oo Dubai Kula Kulmay Hogaamiyihii Kooxda SSC Xagle-Toosiye


- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu shalay ku qaabiley Mina-Salaama Hotel ee Magaaladda Dubia, Hogaamiyaha Kooxdii SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye), kuwaas oo isla qaatay inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyadda gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Xagle-Toosiye waxay isla garteen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan inay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhan walba leh ee waxbarashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee aasaasiga ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu Xalay Magaalada Dubia ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah weftiga madaxweynaha ee ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, oo khamiistii ay wada hadalo kula yeesheen Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif. War-saxaafadeedkaas oo dhamaytiranina waxa uu u qornaa sidan: -

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabilay Qasriga uu degan yahay ee Mina-Salaama Hotel, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye).

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer Somaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka”.

Xigasho: Haatuf

No comments: