.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 10, 2012

Midnimooyinkii Fashilmay! – W/Q. Prof. Cabdixakiin Yuusuf Kheyrre


- Xaga dhaqanka & diinta Masar & Siiriyaba waa laba dal oo carbeed oo Muslim ah oo waliba Xisbi Xaakim keliye (Xisbul-bacath) ka wada talin jirey. Laakiin midnimadoodii way fashilantay! Waayo? Halka midnimadii Gambiya & Senegal fashilantay iyadoo labada dalba dhaqan & diin wadaagaan oo waliba Juqraafiyan Gambiye ku dhex taalo Senegal! Waayo? Labada dal ee Siiriya & Gambiyaba waa la muquuniyey waxayna kala kulmeen midnimadii sad-bursi, dulmi & quudhsi. Labadan dalba wixii Somaliland ku habsaday bay kala kulmeen midnimooyinkii.

Somaliland waliba waxaa u dheer xasuuqi 1988 ee arxan daraa ahaa ee lagula kacay shacabkii ku noola Burao, Hargeisa, Berbera, Gebiley & Wadhan. Dagaalkii labaad ee aduunka ka dib waxaa la mamnuucay rushaynta meelaha dadka shacabka ahi ku nool yihiin waxaana loo qeexa (proportionality) oo ah cabirka hubka lagu rido aag: macnawiyan Hargeisa waxaa lagu rusheeyey hub ka badan miisaankii nukleyirki lagu riday Hiroshima. Xasuuqa baaxadan leh reer Somaliland xaq u malaha inay saamaxaan sababtoo ah danbigani waa kabaa’ir aadamaha oo dhan loo geestay: crime against humanity. Waxaa munaasib ah in xabaalaha xasuuqi reer Somaliland caalamka loo bandhigo oo Maxkamadaha Caalamku la xisaabtamaan eedaysanayaashii dambigan fuliyey...

Hoosta guji oo sii akhri:

No comments: