.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, July 5, 2012

Somaliland Iyo Somalia Ha Loo Simo Ka-Qayb-Qaadashada Ciyaaraha Caalamiga Ah


- Tan iyo markii Somaliland ay xoriyadeeda kala soo noqotay Somalia oo ay hore u midoobeen sanadkii 1960-kii, waxa lumay oo meel ay jaan iyo cidhib dhigtay la waayay xuquuqihii ay lahaayeen dadka reer Somaliland.

Xuquuqaha ka lumay bulshada reer Somaliland ee ilaa hada aan cidi iswaydiin waxa kamid ah xaqii ay u lahaayeen in ay kaga qayb galaan tartamada caalamiga ah ee kala duwan, iyada oo tartamada ay ka qayb galaan wadamo aan haysan dowlad buuxda, kuwo aan dowlad lahayn iyo dowlado ay ka arimiyaan xukuumado taagdaran iyo kalidood taliyeyaal.

Bulshada caalamku wax ay Somaliland ku amaantaa nabad galyo buuxda dowlad wanaag iyo dimuqraadiyad qaangaadha ah, hadana marka laga yimadaa afka toosan ee ay ku qirayaan waxa u qabsoomay umada isku tashatay ee Somaliland, dowladaha aduunku Somaliland ulama macaamilaan sifihii qaranimo ee waxay hoosta kamariyaan cagta hoosteeda. Arintan ayaa waxa ay horseeday in Somaliland ay ka naafowdo adeegyo badan oo ay kamid yihiin ciyaaraha caalamiga ah.

Marka aad la sheekaysato dhalinyarta ciyaaraha ku hawlan ee reer Somaliland waxa aad kala kulmaysaa dareemo qiiro iyo shucuur cadho leh kugu abuurayaa, tusaale ahaan waxa aad arkaysaa Orodyahano hadii dowlad garab gasha ay heli lahaayeen guulo kasoo hoynlahaa tartamada caalamig ah oo aan haysan agabkii ciyaareed sida kabo ay ku sameeyaan tababar, waxa aad la kumaysaa xidigaha ugu mudan kubada cagta Somaliland, oo xaq u yeelan lahaa in ay xidhaan funaanad qaranka oo ka qayb galaan tartamada caalamiga ah oo taageere u ah ciyaartoy aan waxba ka xirfad badnayn oo magaca dalkooda ka iibinaya aduunka.

Intaa uun kuma koobna ee waxa dhibaato ku haysataa garoomada gudaha dalka ku yaala iyaga oo aan helin goobo ay kaga bogtaan ciyaaraha. Hadii aad dhexmarto magaalooyinka waawayn ee Somaliland oo caasimadu ugu horeyso waxa kuu muuqanaya muuqaalo caruur da’yar usoo diyaar garawday ciyaarta kubada cagta laakiin garoonkoodu yahay dariiqa baabuurta dhex diisa markii ay waayeen garoono ay ku ciyaaraan. Ugu danbaytii waxa Somaliland waxa ay u baahantahay taageero dhinaca ciyaarha ah.

Dhawaan waxa magaalada London ka furmaya tartanka Olympic-ga aduunka oo ay ku kulmayaan wadamad aduunka oo dhami, laakiin Somaliland ilaa hada ma jirto cid u matasha tartankan oo la hubaa hadaba Su’aasha mudan in laga jawaabaa waa maxaa Somaliland u diiday in ay ka qayb gasho tartamada caalamiga ah?

''Haatuf''

No comments: