.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, July 5, 2012

Yeygii Hadhkiisa Weeraray! Prof. Cabdisalaaam yaasiin


- Yey ayaa neef ugaadhsatay. Neefkii ayaa midba in goostay oo dhinac ula carary. Mid ka mid ah yeydii oo qurub sita, ayaa soo ag-maray il biyo ah. Ishii ayuu eegay. Wuxuu arkay hadhkiisii oo ka muuqday biyihii. Hadhkiisii wuxuu ula ekaaday yey kale oo isna qurub sita. Hunguri ayaa galay oo wuxuu naftiisa ku yidhi, “Si aad hilib uga dheregto maanta, qurubkaaga dhigo oo yeygan kale qurubkiisa ka qaad.” Intuu weerar laxaad leh isu diyaariyay, ayuu miciyihiisa muujiyay oo qayladii dagaalka ku dhuftay.

Inta uu afkii kala qaaday oo qurubkii uu afka ku hayey sii daayay ayuu hadhkiisii weeraray. Qurubkii uu sitay markiiba biyihii soconayay ayuu ku dhacay oo qaaday. Yeygiina biyaha dhexdoodii ayuu hadhkiisa la legdamay. Markuu biyihii ku dhacay, weerarkii kadib, ee yey kalena waayo, ayuu xasuustay qurubkii uu sitay. Hareerihiisa ayuu eegay; waxna waa ka waayey. Markaas waxa u caddaatay in hunguri iyo garaad-darro qaadday oo uu hadhkiisii mooday yey kaloo hilib sita. Halkaasna inuu qurub kale helo daayoo, wuxuu ku waayay kii uu sitay! Ciil iyo calool madhanna halkii kala luuday!

W/q: Prof, Cabdi-salaan Yaasiin

No comments: