.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, August 6, 2012

Denmark Oo Safaarad Ka Furatay Somaliland


- Dalka Denmark ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka tirsan midawga Yurub ee xafiis (safaarad) ka furta dalka jamhuuriyada Somaliland, iyada oo isla mar ahaantaana Denmark noqonaysa dalkii labaad ee ka furtay xafiis dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waxa ka horeeyay oo isagu in mudo ahba ka shaqaynayay dalka Somaliland safaarada ay leedahay dawlada Itoobiya.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/08/2012, waxa dalka Somaliland soo gaadhay ergay ay dawlada Denmark u soo magacawday inuu noqdo wakiilka (Safiir) u fadhiyi doona dalka Somaliland. Waxa si milgo leh ergayga (safiirka) ka socda Denmark u qaabilay oo dalka ugu soo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar. Wasiirka oo saxaafada la hadlay oo faahfaahin ka bixiyay arintan ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay safiirka ay dawlada Denmark u soo magacawday inuu u fadhiyo Somaliland, isaga oo intaa raaciyay in shaqada safiirka Denmark uu qaban doonaa ay noqon doonto sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo waliba wax-wada qaabsigooda! Wasiirku waxa kale oo intaa raacyay in dhawaan ay dawlada UK ka furan doonta xafiis (safaarad) dalka Somaliland ka shaqeeya danta labada dal, waxana uu wasiirku intaa ku sii daray in caalamku haatan si fiican u danaynayo xidhiidh la samaysashada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

*Hoosta GUJI  oo ka daawo war ku saabsan Safiirka Denmark*

No comments: