.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, August 3, 2012

Lacag Dhan $4800 Oo Ka Timid Qurba-jooga Ayaa La Gudoonsiiyay Maamulka Deg, Geed-balaadh


- Geed-balaadh: Munaasabad balaadhan oo loo Sameeyay Wareejinta Deeq lacag iyo Agab iskugu jirta oo ururka Haweenka Al-khayriya iyo qaar ka mid ah Qurbajooga kale ee Degmada Geedbalaadh ugu Deeqeen Dugsiga Hoose ee Degmadda Geed balaadh, ayaa shalay khamiistii oo ay bishu ahayd (02/08/2012) lagu qabtay Xarunta Dugsigaasi ee degmada Geed-balaadh.

Xafladaasi oo ay ka soo Qaybgaleen Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan (subagle), Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Maxamuud yuusuf X.Cabdi,isu duwaha Wasaarada Waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gaibley Ismaaciil Rashiid, Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Cuqaal, Madax Dhaqameed, Dhalinyaro, Masuuliyiin ka Tirsan ururka Haweenka Al khayriya, Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland ee Wadanka Holland, Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac, kormeerayaasha Wasaarada Waxbarashada ee gobolka, Xubno ka Tirsan Ururka Qodaal iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac oo ugu horeyn halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Geedbalaadh ay ka mid tahay 39-ka Degmo ee ugu Dambeeyay ee laga yagleelo Somaliland, waxaanu xusay in Baahiyo badani ka Muuqdaan Saldhiga Booliska, Dugsiyada Waxbarashada iyo meelo kale oo badan, waxa kale oo uu sheegay in Xaruntii dawlada hoose Dabashu ka qaaday jiingadii isla markaana ay qabyo tahay

Axmed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Degmada Geedbalaadh oo isaguna hadal kooban ka jeediyay madashadaasi ayaa aad ugu mahad naqay haweenka Deeqdan soo gaadhsiiyay geedbaalaadh, isaga oo xusay in ay yihii haweenkii ugu horeeyay ee ku soo hirta in ay wax ka qabtaan Baahiyaha ka jira Degmada Geedbalaadh waxaanu intaasi ku daray in ay dareenkooda wax ka badashay Arintaa bilawga ah ee ay dumarka Qurbajooga ahi ka Fuliyeen degmada.  Axmed Cabdi waxa uu sheegay in Geedbalaadh ay xukunto deegaan balaadhan oo aan lahayn Saldhig Boolis, Goob Caafimaad oo dadka lagu daaweeyo marka laga reebo health post, uu daryeeluhu dawooyin yar yar ku bixiyo, waxa uu hoosta ka xariiqay in dhibaato ba’ani la soo daristo haweenka umusha ah oo cubitaalka ugu dhaw ee la gayn karaa uu yahay Cusbitaalka Gabiley.

Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo Wakiil ka ah Qurbajooga degmada Geedbalaadh oo iyaduna hadal kooban ka jeedisay halkaasi ayaa ka dhawaajisay in Qurba joog ahaan ay in badan ka wada hadleen sidii degmada Geedbalaadh wax loogu qaban lahaa, waxa ay xustay in ay deeqdan yar ee ay sidaan ay si kadis ah usoo qaaday oo aanay soo wada gaadsiin qurbajooga degmada balse ay sheegtay in ay baraarujin u noqon doonto arintani inta kale aanay gaadhin fariintaasi.
 
Marwo Xaliimo waxa ay sheegtay ay soo wakiisheen Qurbajooga Degmada Geedbalaadh ee Wadamada UK iyo Holland iyada oo sheegtay in Xubnaha soo wakiishay ay ka mid yihiin Cali Cumar Xasan, Farxaan Cismaan diiriye (Faraxaan Cagasaydh), Xirsi Aw Cabdi iyo C/samad Nuux Cute, kuwaasi oo ay sheegtay in ay dhamaantood si joogta ah u wada xidhiidhi jireen, waxaanay sheegtay in ay jiraan Jaaliyado badan oo aanay qaarkood wali ka soo jawaabin codsigii loo gudbiyay ,waxaanay aad ugu mahad naqday Qurbajooga reer Holland oo iyadu ay wakiil ka ahayd. Marwo Xaliimo waxa ay Xukuumadda Somaliland usoo jeedisay inay ka warhayso Degmooyinka Cusub ee Somaliland,iyada oo ku Baraarujisay dadka deegaanka in ay Xukuumadda la xidhiidhaan oo ay tusaan baahiyaha ay tirsanayaan si wax looga qabto, waxa kale oo ay ku Dhiiri galisay dadka Deegaanku in ay wax qabsadaan oo ay Danta Guud wax uga qabtaan si wada jir ah.

Nimco Xuseen Cige oo ka mid ah Ururka Qurbajooga Haweenka Gabiley ee Al-khayriya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay Wakiil ka tahay urur ay ku Midoobeen Haweenka Gobolka Gabiley ee Dalka ingiriiska , waxa ay ka warbixisay Waxqabadka ururkaasi ka Fuliyo Gobolka intii ay jireen, iyada oo xustay in ay Dhisnaayeen Muddo Sanad iyo Afar Bilood ah wax bandanna ka Qabteen meelo badan oo ay baahiyo ka jiraan. Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Gudoomiyaha Gudida horumarinta Gabiley Maxamuud yuusuf X.Cabdi, Xildhibaan Maxamed Cabaas Jaamac, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cali Aadan Bayle iyo Marwo Cibaado maax oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Deeqdan Haweenka Gobolku ugu deeqeen Dugsiga hoose ee Degmada Geedbalaadh iyaga oo ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga Bulshadu.

Xildhibaan C/laahi xuseen Cige (C/laahi Balaki) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo Xidhitaakii Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Siyaasada Dawlada ay ku jirto in Degmadu Baahiyaadkeeda aasaasiga ah iyadu Daboosho oo ay Cashuurteeda urursato waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ wakhtiga oo kooban awgeed Seddex Qodob oo yaryar ayaan taabayaa, midi waa degmada midna waa Mahadnaq ta kalena wax qabadka Degmada, Siyaasada Dawlada ee Degmadu waxa weeyeen in Degmo marka la bixiyo ay shaqayso oo ay isku filnaato oo ay wax qabsato, marka aad degmo dalbato ee lagu siiyo waa in aad adigu Degmadaasii Cashuur u ururisaa, horumarisaa, oo degmadu dabooshaa wixii baahiyeedkeeda aasaasiga ah, runtii taa Geedbalaadh way ka gaabisay, anigu kolay inta aan filayo, waayo labo sanno ayay maraysaa Magacaabista Degmadu irbad dun la galiyay miyaad garanaysaan? Cashuur loo ururiyay miyay jirtaa? Wax Degmada loo qabtay miyay jirtaa?
 
Taana dadka deegaanka ayaa ka gaabiyay, midna waa dhinaca wax qabashada dugsigan tiroba laba jeer ayaan imi annaga oo cid wadna oo in la dhiso doonayna, maantaaba sagaashan lagu sheegayaaye intaaba siddeed qof ayaanu ugu nimi, illaahay mahadii maanta haddii ay sagaashan marayaan oo ay laba Fasal dhisanyihiin, iskuulka ha la dhiso oo wax hala qabto ee Arday keena, oo ardayda soo kordhiya, marka ay ardaydu korodho waa lagu qasbanyahay in dugsi kale la dhiso, laakiin Dugsigii ayaa naga musqul la’ iyo degmo ayaanu nahay waa wax aan isku keen qabanayn, aynu isku tashano oo degmadu dib ha iskugu noqoto oo wax hala qabsado” ayuu yidhi xildhibaan C/laahi Black
 
Ugu Danbayntii haweenka ururka Al-khayriya ayaa Badhasaabka Gobolka ku Wareejiyay deeq lacageed oo dhan $4800 oo lagu daro dhismaha dugsiga Geedbalaadh iyo Deeq agab ah oo ka kooban Bustayaal iyo Gogogol loo qaybiyo dadka jilicda san ee u baahan.
 
Xigasho: Gabiley.net
 
----
 
Guji halkan Hoose ''Isha-warkan iyo Sawiro''

No comments: