- Oradyahanka caanka ah ee magaciisa la yidhaa Maxamad Faarax (Mo Farah) oo ah nin u dhashay Somaliland, una orda dalka Ingiriiska ayaa sabtidii(11/08/2012) ku gulaystay biladii labaad ee dahab ah ee uu qaado mudo todoba cisho gudahood ah, kadib markii uu Mo Farax orodo caaqiibo leh oo aan hore loo arag oo qiyaastoodu tahay 10000m (10km) iyo 5000m (5km) ku soo bandhigay ciyaraha Olympiga ah ee ka dhacaya dalka Ingiriiska.
Farxada iyo raynraynta ay dareemeen dadka ku nool dalka UK ka-sokow, waxa si aan la malayn karin guusha Mo Farax u soo hoyatay saamayn ugu yeelatay dalka Somaliland, oo dadka halkaa ku nooli meel ay joogaanba muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha lamaanaha ah ee uu Mo Farah ku hantiyay, tartankii olympics-ga ee London (Uk) lagu qabtay labadii todobaad ee hada dhamaaday. Waxa dadku ay sameeyeen damaashaadyo iyo isku soo baxyo aad u balaadhan, meelaha wacdaraha laga dhigayna waxa ka mid ahaa magaalada Gabiley oo uu Mo Farax dhalasho ahaan ka soo jeedo! Idaacada Somalivoa oo ka mid ah idaacadaha af-somaliga ku hadla ayaa waraysi ku saabsan arintan waxa ay la yeelatay orodyahanka Mo Farah, waxa kale oo ay idacada Somalivoa ka qaaday waraysiyo kale madax dawlada Somaliland ka tirsan iyo, dad ku nool Gabiley oo ah halka aadka looga soo dhaweeyay Guulaha Mo Farah.
*Dhegta maal*
No comments:
Post a Comment