.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 1, 2012

Sheeko Gaaban: ''Ma Cunsani''


''Imika Idaacadan dawladda ee shanta maalin walba aad maqlayso Idaacadii Markab baa laga soo dajiyey, dhulkaa la dhigay, Berberaa laga keenay, Hargeysay soo gaadhay....'' Haatuf

- Bari waa jiray nin Bakhayl ah oo aan reerkiisa loo hoyan oo dadka oo dhami bakhayl ku ogaayeen isna isu yaqaan nin lexejeclo badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ninkii u yeedhay rag socoto ah oo agtiisa maraya oo ragii bakhaylnimaa ku yaqaanay ah, waxaanu u sheegay wax aan dhaqankiisii lagu yaqiinay ahayn.

Wuxuu nimankii ku yidhi, “Waan idin casuumayaa oo Neef ayaan idiin qalayaaye geedkan ii fadhiista’. Hadaba nin ka mid ah ragii socotada ahaa oo aqoon dheeraad ahna u lahaa ninkan ayaa yidhi “Anigu casuumadan Ma Cunsani”. Dabeeto ninkii wax casuumay oo xagii Adhiga u kacay ayaa ragii kale oo iyagu rumaystay inuu wax qalayo yidhaahdeen “Walee waa kaa Adhigii dhex galay, ee Neefkii ka soo qabtay” ninkii ninka aqoonta dheeraadka ah u lahaa ayaa wuxuu hadana yidh “Anigu ma cunsani”. La yidhi hadana waakaa Midida qaatay ee Wankii lagday ee jihada u jeediyey. Kuye “Ma Cunsani” dabeeto nimankiibaa hadana yidhi “Waakaa Gawracay ee Dumarkii Haragii uga saarayaan”.

Kuye “Ma Cunsani” waa taa la karinayo ee Hillibkii bislaaday. Kuye “Ma Cunsani”. Waa kaa Hillibkii soo sida. Kuye “Anigu ma cunsani”. Hadaba markii uu ninkii bakhaylka ahaa uu Hillibkii soo hordhigay nimankii uu casuumay ninkii isaga aadka u yaqaanayna uu wali taagan yahay Ma Cunsani xataa iyadoo Hillibkii horyaalo ayuunbaa ninkii wax casuumay intuu Hillibkii ragii uu casuumay soo dhex dhigay uu Bud isla dul taagay Xeedhadii oo uu nimankii ku yidhi “Waaryaadhaheen imakaba ninkii aan aniga neef ii qalaynoow Hillibkayga ha isku taaban” dabeeto ragii la casuumay intay yaabeen oo Hillibkii ay iskaba daayeen ayaa ninkii markii horeba taagnaa Ma cunsani intay xagiisa wada eegeen ay yidhaahdeen “Ananuna Ma Cunsanin”.

Imika Idaacadan dawladda ee shanta maalin walba aad maqlayso Idaacadii Markab baa laga soo dajiyey, dhulkaa la dhigay, Berberaa laga keenay, Hargeysay soo gaadhay, Koonteenarkii baa laga furay, Ingineerbaa dhex galay, waa la rakibay, hawaday galaysaa, Agaasimahaa furay iyo Boobaa eegay, Anigu waxaan leeyahay “Ma Cunsani”.

Xigasho: Haatuf

No comments: