- Shimbiraha waxa u dhaqan ah inay heesaan. Heesahoodana dadku marka ay maqlaan waa ay jeclaystaan. Waxa hadaba la yidhi, Tukuhu sida shimbraha kale ayuu u heesi jiray oo uu u cod macaanaa. Hase ahaatee, waxa dhacday inuu maalin malmaha ka mid ah maqlay geenyo heesaysa.
Codkii geenyada ayuu aad u jecelaystay. Wuxu ku tashaday inuu sida geenyada u heeso. Tababar iyo ku dayasho joogto ah ayuu bilaabay. Aadna wuu ugu dadaalay inuu sida geenyada u heeso.
Wuu dadaalay, oo dadaalay, oo dadaalay. Hase ahaatee, inkasta oo uu dadaalay, tukihi sidii geenyada waa uu u heesi kari waayay. Isaga oo xiiqsan ayuu naftiisii ku yidhi, “Dadaal badan baan sameeyay. Waanse ku guulaysan waayay inaan sida geenyada u heeso. Bal hadaba aan sidaydii hore hees shimbireedkii iskaga heeso.”
Markuuse is yidhi sidaadii hore u hees, ayuu codba ka soo bixi waayay! Halkaasuu hadana dadaal kale ka bilaabay. Siduu u dadaalayay, ayaa waxa ka soo baxay “waaq, waaq”!!!
W/q: Prof, Cabdisalaan Yaasiin
No comments:
Post a Comment