.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 1, 2012

Xaaji Aadan Af-qalooc Iyo Axmed F. Cali ''Idaajaa''


- Barnaamijka magaciisa la yidhaa dhaqanka iyo Hidaha'' oo laga sii daayo todobaadkiiba mar idaacada afka-soomaaliga ah ku hadasha ee Maraykanku leeyahay ee magaceeda la yidhaa Somali-voa, oo uu soo diyaariyo Abwaan, Axmed Faarax Cali ''Idaajaa'' ayaa ah barmaalij aad u xiiso badan oo ku saabsan suugaanta Soomaali-da, cawo-daro, abwaankan Idaa-jaa waa uu ka badheedhaa barnaamijka oo waxa uu inta badan soo qaataa sheekooyin iyo maansooyin fara badan oo jaadad badan leh oo ay leeyihiin dad ku nool/noolaan jiray degaamo gaar ah, oo ka mid ah dalka Soomaaliya (Somali-italiana) iyo Kililka 5-aad.

Waa mar-mar iyo dhif goorta aad ka maqashaa abwaankan Idaa-jaa afkiisa isaga oo xusaya abwaanada iyo hal-abuurada kale (Raga-raga-ah) ee ku nool/noolaan jiray dalka Somaliland iyo Djibouti! Hadaba maanta waa uu soo khaldamay malaha abwaan Idaajaa, waayo? Labadan qaybood ee aad hoosta ka dhagaysan doonto oo kale ah barnaamijkii 114-aad/115-aad, ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee uu  gabi ahaantoodba ku soo qaato nin reer Somaliland ah! Doorkana waxa uu xushay Xaaji Aadan Af-qalooc iyo gabayadiisii halganka!

No comments: