.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, August 10, 2012

Xoolo Urursi & Xaalkeed: Prof, C/Salan Yasin


''Xerti taladii sheekha ee riyada ugu timi ayay fulisay. In yar ka dibna, Ilaahay darxumadii iyo diihaalkii ayuu ka qaaday.” Prof. C/salaan

- Sheekh ayaa xer meel ku hayay. Xerta maalintoodu waxay ahayd in ay cibaadaysanayaan, in ay cilmi dhiganayaan, in ay camal nololeed u foofaan, iyo in ay nastaan. Maalin walba, todobaad walba, bil walba, sanad walba sidaas ayaa noloshood ahayd.

Inkasta oo ay la soo baxayeen waxay ku noolaadaan, iskuna filaayeen, dadka ay dhex deganaayeen waxay u keenayeen xool badan oo isugu jira hadiyad, sadaqad, iyo seko. Dhul badan oo waqaf ahna waa la siinayeen. Sheekha xerto xoolaha loo keena markiiba masaakiinta ayuu u qaybin jiray; dhulka waqafka loo bixiyona danyarta ayuu siin jireen si ay u beertaan ama uga samaystaan guryo ay galaan. Mana ogolaan jirin inay degmada xerta dhex yaaliin xoolo ama dhul aanay degmadu u baahnayn.

Xertana wuxu kula dardaaemi jiray in aanay hawshoodu ahayn in xoolo iyo dhul urursadaan ee ay tahay inay Ilaahay caabudaan dadkana baraan cilmiga iyo sida Ilaahy loo caabudo. Dhaqankaa iyo maamulkaa suuban ee Sheekha iyo xertiisu, waxay keeneen in degmadii xerta iyo dadkii ay la deganaayeenba bashbash iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Sheekhii xerta markuu da’ noqday, ayuu maalin isugu yeedhay xertii. Wuxu ku yidhi, “Waad aragtaan oo da’ baan noqoday. Wax bandanna inaanan idinla sii joogo lagama yaabaa. Waxan isugu kiin yeedhay inaan balan adag idinkaga tago. Balankaas oo ah: in jidkaa iyo dhaqankaa ay xerta iyo bulshada ay la degentahay ku nabad iyo caano maalin ku socotaan oo aanaydun marnaba ka leexan. Maxaa yeelay, sidaasaa danta xerta iyo danta bulshaduba ku jirtaa. Markaan baxona, xertiina ninka ugu weyn, ee ugu cilmiga badan, sheekha xerta ka dhigta.” Muddo ka dibna sheekhii waa baxay.

Sheekhii xerta u weynaa ayaa sheekhnimadii la wareegay. Haddii muddo jidkii iyo dhaqankii sheekhii hore lagu socday, ayaa sheekhaa dambe waxay la noqotay in hadiyadda, sadaqadda, sekada, iyo dhulka waqafka ah ee xerta la siiyo, aanu markiiba wada qaybin ee kolba in ka reebo.  Xoolihii la reebayay ayaa tarmay. Ka dibna sheekhi wuxu go’aamiyay inaan xoolaha iyo dhulka xerta la siiyo waxba dib looga celin ee dhamaanteed xertu haysato. Degamdii xertana hodan ayay noqotay; waaxanay bilowday inay cidii bulshada u baahan xoolaha dib u amaahiso, dhulkana ka kirayso.

Maamul ganacsi iyo maamul amnina sheekhi uu sameeyay. Ciddii amaahda ama kirada la raagta ama bixin wayda waa la soo qabtaa oo waa la xidhaa. Sidaa haddii ay xertii iyo bulshadii ay la deganaayeen mudo ku jireen, ayaa abaari ku dhufatay. Xertii iyo bulshadiina xoolihi ka baxeen. Gaajo iyo haraadna dadkii iyo xoolihiiba ku habsadeen. Iyada oo darxumadaa lagu jiro, ayaa sheekh xertii ka mid ahi riyo ku arkay sheekhii xerta asaasay.

Wuxu ku yidhi, “Sheekh, xaalkayaga waad aragtaa, maxaad na odhan lahayd?” Sheeki wuxu ugu jawaabay, “Balankii aad gasheen ayaad ka baxdeen. Cilmigii, camalkii wanaagsanaa, iyo cibaadadii ayaa ka baxdeen. Cadligii, naxariistii, iyo nidaamkii ayaa ka tagteen. Xoolihii baa xeraysateen, dhulkii baa xayirteen, xaarantii ayaa xalaashateen, noloshii baa xanibteen. Dabadeed xisaab Alle ayaad hesheen.

Sheekh, maxaanu yeelaa imika? Waxad yeeshaan, marka hore, Ilaahay barya inuu abaarta iyo darxumada idinka qaado. Mar labaadka, sheekhii u sabab ahaa darxumada dadka iyo dalka bedela oo waxad ku bedeshaan sheekh cilmi, cibaado, camal san, iyo cadaaladi ku kulmeen oo ku dhaqma. Insha alla, darxumada iyo diihaalka waydun ka bixi; deeq Alle iyo daryeel waarana waydin helo.”

Xerti taladii sheekha ee riyada ugu timi ayay fulisay. In yar ka dibna, Ilaahay darxumadii iyo diihaalkii ayuu ka qaaday; deeqa Alle iyo daryeel waarana wuu ugu bedelay.”

W/q: Prof, C/salaan Yaasiin

No comments: