.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, October 8, 2012

Abwaan Gaariye Oo Maanta Lagu Aasayo Hargaysa

gaariye
 
- Allah ha u naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo todobaadkii hore ku dhintay dalka Norway, ayaa maanta maydkiisa la keenayaa Magaaladda Hargeysa, iyadda oo loo samaynayo aas-qaran. Madaxwaynaha Somaliland ayaa aaska Gaariye dhawaan u magacaabay gudi ka kooban wasiirro iyo masuuliyiin kale oo hawsha diyaarisa.  Waxa kale oo ay wasaarada waxbarashadu fasaxday ardayda jaamacadaha dalka qaarkood ee uu Gaariye macalinka u ahaa si ay uga qayb-galaan aaskiisa.

Sidaasi oo kale waxa la filayaa inuu aaska Gaariye ka qayb-galayo madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Marxuum Gaarriye oo ahaa nin aad looga yaqaan degelada lagaga hadlo afka-Soomaaliga ayaa ahaa nin aad ugu dadaala inuu ka dagaalamo xaq-darada iyo dulmiga. Waxa uu Gaariye qayb ka ahaa Halgankil dalka Somaliland lagu xoreeyay (1981-1991) ee lagaga soo horjeeday taliskii umulo-dooxa ahaa ee Siyaad Bare, kaasi oo dhulka Somaliland ka samayn jiray dhagaro, xad-gudubyo iyo tacadiyo kale oo badan oo ka baxsan bani'aadamniada. Si kastaba ha ahaatee marxuum Garriye waxa uu ku negaan doonaa mudo dheer  oo lagu xusi doonaa Sooyaalka Somaliland iyo geeska Afrikaba.
 
WYL-News

No comments: