.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 10, 2012

Caloosha La Hadal: Prof, C/Salaan Yaasiin

 
- Garaadka ayaa faanay oo yidhi, “Anaa jidhka iyo nafta u boqor ah.” Wadanihii oo faankiisa maqlaya ayaa weediiyay, “Yaa sidaa kugu yidh?” Hadaladaa ay is dhaafsadeen garaadka iyo wadnuhu ayaa jidhka intiisii kalena maqashay. Ka dibna doodbaa halkaasi ku furantay.

“Waxan u idhi inaan jidhka iyo nafta u boqor, waxa weeye,” ayuu ku celiyay garaadki, ”dareenka, garashada, iyo xidhiidhka jidhka iyo naftaba anaa xilkooda haya.” “Haddii aanan dhiig , nafaqo, iyo oksagiin adiga iyo jidhka oo dhan gadhsiinayn, ilbidhiqsi maad jirteen.” Ayuu u celiyay wadnihi.

“Hhhmm, maysu faantiin! Neefta iyo macadnaha hawada ku jira ee aad u baahantihiin haadii aanan soo daynayn, midkiinna adeegiisa ma guteen.” Ayaa sambabadi tiraabeen. Lugii ayaa istaagoo yidhi, “Haddii aanaan idin sidan, meel walbana idinla maryn, mabaydaan jirteen.” Gacamii ayaa hadalkii qaatay oo yidhi, “Annagaa hawsha jidhka iyo naftu u dhaqaaqaanba qaban. Fidhiid aan waxtar lahayn ayaa noqon lahaydeen haddii aanaan jirin.”

“Horaa loo yidhi, (Nimaan dhul marin dhaayo la’.) Dhaayahay lagu socdaa, xagee jidhka iyo naftu gaadhi lahaayeen haddii aanaan jirin.” Ayay ku doodeen indhihi. “Bal yaa Qurank Xadiiska, cilmiga, hadalka, iyo hawraarta idiin soo gudbin lahaa haddii aanaan joogin.” Ayay yidhaahdeen dhegihi.

“Bal waa isu faanaysaane, horta maw fiirsateen cidda dhamaantiin adeegsateen? Haddii aad hadasheen anaa suurogeliyay. Haddii aad cunno hesheen anay isoo martay. Hadii aad hawo heshaan anaa badh isoo maraa. Miyaa iga maarantaan? Ayuu ku dooday afki.

Halkaa markay doodi maraysay ayay calooshi hanqalka la soo kacday. Xubnihii kale ayaa mar wada eegay oo ku yidhi, “Adna maxaa ku soo kiciyay? Halkaagaa iska jiif.” “Ma sidaasaa is tusteen?” Ayay tidhi calooshi, “Bal inaan jiifaa ahay iyo inkale waydun arki doontaan.” Ka dibna shaqa joojis ayay samaysay oo way is taagtay.

Afar iyo labaatan sacadood haddii ay ka soo wareegtay, ayaa garaadki dawakhay, oo wadnihi gaabiyay, oo sambabadi jelceen, oo lugihii fadhiisteen, oo gacmihi daaleen, oo indhihi dam noqdeen, oo dhegihi guuxeen. Garaadkii oo tiicaya ayaa yidhi, ‘Waar maxaynu yeelaa xaladeenna waad aragtaane?” Xubnihii kale ayaa yidhi;
 
 “Aan caloosha afka u diro oo raali gelino; bandooda haynaga qaadee.” Afkii ayaa loo diray oo calooshii la hadlay. Wuxu ku yidhi, “Caloolay, raali ahaw horte. Sida aanu ku moodaynay noqonwaday, oo dhuljiif qarsoon ma tihid.

Waxad tahay quwad dahsoon. Adaana noogu mudan ee naga fur irridahan aad xidhay.” “Qirashada gefku waa waayeelnimo. Mar haddaa gefkiinii qirateen oo kaalintayda qirteen, anna irridihii waan idiin furay!!!” Ayay u celis calooshi.

W/q; Prof, C/Salaam Yaasiin

No comments: