.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 10, 2012

R/Wasaaraha Somalia Waa Dadkii Siyaad Bare Uu Xoolaha Dadka U-Cantoobiyay

 
- Taliskii macangagag ahaa ee Afweyne ka-sakow gumaadkii uu shacabka u geysan jiray waxa kale oo uu caan ku ahaa in dadka ay isku heybta yihiin loo fududeeyo in ay dhaqaale iyo mansabyo sar sare helaan. Nimanka sidaa loo naas nuujin jiray waxa ka mid ahaa ninka loo magacaabay R/wasaraha Somalia iyo kii ka horeeyey ee Farmaajo. Farmaajo isagoo inan yar ah oo aan aqoon iyo awood waayo aragtinimaba laheyn ayaa loo dalacsiiyey diplomaasi oo USA la geeyey.
 
Ninka dhowaanta loo magacaabay R/Wasarha ee Saacid waxa uu isagu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo kuwa loo sameeyey dhaqaale. Waxa taa daliil u ah aduunka uu heysto ee u hirgaliyey in uu muddo yar shariikado ku sameysto iyo Shariikadii Shirdoon la odhan jiray ee ganacsiga balaadhan ku laheyd wadanka. Ninkanu wuxu ka mid ahaa nimankii kootada loo siin jiray in ay kaligood wadanka wax usoo dajin karaan.
 
Mudane Saacid wareysi uu dhowaan siiyey siiyey warbaahinta waxa laga dhadhansan karaa laba arimood: - Ta hore waxa laga dhadhansn karaa cadaawadda uu u qabo Somaliland taas oo ah tii uu ka dhaxlay adeerkii Afweyne. Ta labaadna waxa laga dhadhansan karaa aqoon yaridiisa iyo in uu wali u heysto in dariiqii adeerkii u jeexay shaqeynayo. Waxa uu isdiidsiinayaa in waaqici cusubi ka jiro arlada, oo dulmigii ay dadka mudada ku hayeen maanta shaqeyneyn.

Mr. Saacid kol la weydiiyey arrinta Somaliland waxa uu kala saari kari waayey JSL iyo maamul goboleedyada kale ee ka jira Somalia. Waxan xasuustaa bari la weydiiyey sua’aashan oo kale adeerkii Afweyne oo uu yidhi: “G/Waqooyi Galbeed waxa uu la mid yahey uun kuwa kale sida Galgaduud”.
 
Mr Saacid waxa uu ilduufay, ama uu u kasayba, in Somali iyo Somaliland ay kala yihiin laba dal oo caadifad awgeed is-dhexyaacay 1960. Caadifadaasu oo ku xoog badneyd reer Somaliland, oo doonayey in la helo 5 Somaaliyeed. Cadifadaasu maanta kuma jirto reer quluubta reer Somaliland, oo sobobo badan oo labaday awgeed, oo uu hormood ka ahaa adeerkii Afweyne ayey taasu usoo gudhay.
 
Markaa yuu ku habsaamin Somaliweyn dambe oo lagu beerlaxawsado reer Somalialnd. Waakii marxuum Cigaal tan oo kale ka yidhi”Halkii na danqan jirtay waay na bogsatay”
 
Mr. Saacid inta aanu afka kusoo taagin meel aan shaqadiisa aheyn(JSL), waxa haboon haddii ay dhab ka tahay iswanaagintiisu in uu kolka ugu horeysa isagu iskaga bilaabo, oo uu is xisaabiyo, oo bal ummadda uga sheekeeyo waxa uu ahaan jiray barigii adeerkii wadanka ka amar ku taagleyn jiray.Waxa haboon in uu isweydiiyo dadkuna waediiyaan muxuu ka qaban jiray Hargeisa kolkii uu shaqada dawladda ka tagay 1985.?
 
Ninkanu ha ka sheekeeyoo shariikadii la odhan jiray Shirdoon ee dhaqdhaqaaqa ganacsi ka wadi jirtay wadanka? Halkeed ka keentay aduunkan aad heysato ? Ma xoolihii ummadu ay wada laheyd ee lagugu naas nuujin jireybaa? Haddii ay cadaaladi dhacdo ma laga yaabaa in aad ku xidhmeyso maalkan aad ku tamataceyso?
 
Gunaanad:
 
''Alla ha u naxariistee Abwaan Gaariye wuxu gabay ku yidhi'':
 
Nin Dawee la leeyahay
Denbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyoo
Inuu daaro ma ogola
Daaraanta mililka leh
 
Sidaa daraadeed inta hadhaagii Afweyne iyo kuwii masuulka ka ahaa dulmigii iyo bur burkii wadanka talo la waydiinayo, way fog tahay in Muqdisho caga dhigato. Sida uu Abwaanku inoo sheegayo, xalka iyagu ma keeni karaan Waayo xalku iyaguu dabar ku noqonayaa, sidaa daraadeed in ay fogeeyaan mooyaane soo dhoweyn maayaan.
 
Xalkuna waxa uu ku jiraa in kolka ugu horeysa dadkii dambiga iyo burburka ka masuulka ahaa in aan talo la weydiin. Kolka labaadna sharciga lala tiigsado oo dusha loogu raro dambiyadii ay geysteen.
Allaa Mahad leh
 
By: Hayaan/ Safka-hore.com

No comments: