.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 15, 2012

Ciidamada Qaranka Oo Tagay Laas-Qoray Iyo Maayarka Degmadaas Oo Ka Hadlay

 
- Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa ku ruqaansaday Magaaladda Laasqoray ee bariga gobolka Sanaag oo dhawr jeer Maamul goboleedka Puntland uu ka sameeyey Xad-gudubyo, isla markaana waxwayn ku soo kordhin doono Amaanka deegaankaas oo ciidamadda Puntland si sharci daro ah ku soo galaan mar walba.
 
Sidoo kale Maayarka degmadda Laas-qoray Maxamed Hayaan Caarshe oo isagu warbaahinta, ugu waramay Ciidamada Milatariga ah ee halkaas gaadhay iyo ujeedada ka dambaysa, kaas oo sheegay in shacabka degmadda Laasqoray ay hadda taageero badan u hayaan dawladda Somaliland isla-markaana ay halkaasi ka waddaan hawlo lagu horumarinta deegaanka.
 
Ugu horayn isaga oo arimahaas ka hadlaya Maayar Maxamed Caarshe isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Xaaladda degmadu aad iyo aad ayay u fiican tahay, imikana waxa ka socda dardar-galinta maamulka, cashuurihii laga qaadi lahaa doonyaha ka yimaada dalka Yemena waanu bilownay”. Maayarku waxa uu sheegay in kaluumaysigu yahay waxa kaliya ee dhaqaaluhu ka soo gallo shacabka deegaankaas, waxaanu yidhi;

 “Magaaladda dhaqaale kale ma soo gallo oo aan kaluumaysiga ahayn, markaa dhalinyaro badan oo laashashka kaluunka lagu soo guro ayay ku shaqeystaan, warshadii kaluunka ee shacabka Laasqoray samaysteen markii dawladii Somaliya burburtayna way shaqeysaa”ayuu yidhi.
 
Waxaanu intaa ku daray “Anagu maamul cusub ayaanu ahayn oo dhawaan ayaanu xilka la wareegnay, markii horena degmadda ciidamadda Qaranka iyo booliska ayaa ku yaraa, laakiin imika ayaa guuto ciidamadda Milatariga ah la soo dejiyey oo hawlahoodii loo soo habeeyay oo maalin dhawayd ayay Hargeysa ka yimaadeen, markaa imika ayaa la dhaqaajin karaa amaanka iyo cashuurahaba”.
 
Maayar Caarshe, waxa uu tilmaamay inay hawlaha horumarinta ka waddaan deegaanka Ceelaayo oo 110Km u jirta Magaaladda Boosaaso e Puntland, isaga oo xusay in Laasqoray ay soo daggeen ciidamo Milatari ah oo ka taggay Magaaladda Hargeysa “Hawlahana ilaa Ceelaayo ayaanu ka wadnaa, siyaasadii degmadda Laasqorayna way isbadashay oo Somaliland-bay ku shubatay oo xagga Somaliland ayay u wadda jeedsatay intii xukuumadda Siilaanyo tallada haysay, shalayna waxa na soo gaadhay Odayaal dhaqameed ka yimid Hargeysa oo degmada ka bilaabay wacyi-galin ah sidii ay doorashadu uga dhici lahayd Laasqoray”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: