.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, November 21, 2012

Halgankii Ummada: Kaalintii Axmed Muxumed Warsame '' Axmed-Genieus''

 
- Gu’ waliba leh taariikh iyo waayo lagu tilmaansado. Gu’gii 1984kii  ayaa ururkii xaq-u-dirirka ahaa ee  SNM u lahaa tilmaamo badan oo isugu jira murugo,xus,maamuus,iwm.Maamulka SNM wuxuu ahaan jiray gu’gan ka hor hal sannadeed.Hase yeeshee gu’gan waa la kordhiyey oo waxaa laga dhigay laba sannadoodle,sidoo kale ayaa shirkii guud ee ururkana laba sannadoodle laga dhigay.

Gu’gaa ayaa horseeday inay SNM dhigto dhoolatuskii ugu weynaa ee ay SNM dagaal fool ka fool ah dalka gudihiisa ku qaabilaan ciidamadii uu hogaanka u hayey Afweyne Bare.Inkastoo ay ku ledeen hormood badani guul lagu riyaaqo ayuu lahaa.Waxaa sidoo kale magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera,iwm dil toogasho ah lala beegsadey dad badan oo bulshada dhexdeeda ku mudnaa si loo dhantaalo guulahaa SNM gaadhey,loona niyadijabiyo taageerayaasha ururka SNM ee gudaha ku jiray. Hase yeeshee guulihii SNM way sii kordheen,taageerayaashiina dardar hor leh ayey dhacdadaasi galisay.
 
Read more;

No comments: