''Ina Cabdalla Xasan waxa ku jira gabayadiisa qaar cay iyo aflagaadooyin aan afka lasoo marrin karrin ,oo qaawani ka buuxdo. Tusaale gabay uu u tiriyey gabadh la odhan jiray Caasha Kanadiid''; Cali Aw Xuseen
- Dhowaan waxan akhriyey maqaal uu qoraaga weyn ee reer
Djibouti,Mr.Cabdalla Xaaji,uu kusoo qoray mareegaha Soomaalida qaarkood ee magaciisu ahaa '' Hubsiimo hal baa la siistaa''. Maqaalkaa oo uu ku naqdiyayey nin qoraa ah ( Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”) oo wax ka
sheegay Ina Cabdalla Xasan. Kolka ugu horeysa aniguba sidaa uu u sheegay waxan
rajeynayey oo aan u hanqal taagay oo aan moodayey in ninka qorey maqaalku ka
sheekeyn doono buug uu qorey Cabdiraxman Guribarwaaqo. Buugaas oo aan xiiso u
hayey in aan mar uun arko. Nasiib darose sidaa may noqon waxana haboonaan
laheydbey ila tahay in uu qoraagu hordhaca maqaalkiisa sidaa u dhigin .
Taasu
waa taa oo waan kaala simanahay.Ta labaad mawduuca Ina Cabdalla Xasan waxa
haboon kolka taariikdiisa laga sheekeynayo in loo kala saaro:
Waxan
u maleynayaa Ina Cabdalla Xasan in aan cidina ku murransaneyn abwaanimadiisa
iyo hibada Eebe siiyey ee dhanka suugaanta iyo hal-abuurnimada. Murranku wuxu
ka taaganyahay, habka uu gaabayada u tiriyo. Dad badan, oo anigu aan ka mid
ahay, ayaa waxaa ay aaminsanyihiin in cayda iyo aflagaadooyin uu mararka
qaarkood adeegsadaa ay abwaanimadiisa
hoos u dhigto. Dadkaasu waxa ay ku doodaan in dhaqanka abwaanka Somalida ay ka
reebantahay cayda qaawan gaar ahaan ta haweenka. Abwaanka sidaa yeelaa, ee ku
talax taga haweenkuna uu mutaysn jiray in gabay dambeba aanu tirrin laguna
ganaaxi jiray in uu magteed oo dhan bixiyo haddii uu qof dumar ah u quudho in
uu gabay ku caayo ama uu ku aflagaadeeyo,Tusaale; wixii ku dhacay gabayaagii
weynaa ee Ina Cabdalla Muuse.
Ina Cabdalla Xasan waxa ku jira gabayadiisa qaar cay iyo aflagaadooyin aan afka
lasoo marrin karrin ,oo qaawani ka buuxdo. Tusaale gabay uu u tiriyey gabadh la
odhan jiray Caasha Kanadiid oo ay walaalo ahaayeen Boqor Cisman Kanadiid waxa
cay iyo afxumo uu isdaba dhigay waa ka anfariireysaa. Runtii shaahid iyo
sheekatoona laguma arag abwaan sidaa wax u dhiga. Hadda la soco waliba dadka
waxa uu u sheegan jiray wadaad caalina oo diinta islaamka ee anshax wanaaga
dadka farta aad u yaqaan.
B)Taariikdiisa
Halgan
Waa taariikhdan ta murranka badan ka taaganyahay. Waa
tan ta dadku ku kala duwanyahay ujeedada uu Ina Cabadalla xasan lahaa. Inta aan
taariikdiisa lasoo bandhigin waxa haboon in la isla meel dhigo oo jawaabo loo
helo su;aalahan.:
1 - Ma wadaad dariiqada Saalixiyada
faafinaayeybuu ahaa?
2 - Ma Isticmaar la dirirbuu ahaa?
3 - Ma madaxnimo doonbuu ahaa?
4 - Qabaa’ilka Soomaaliyeed ma qaarbaa la
socday qaar kalena way diidanaayeen kuweyse kale ahaayeen
5 - Sobob iyo gorma ayaa qabaa’ilka qaarkood
kasoo horjeesteen?
6 - Somalida inta Ina Cabdalla Xasan gacantiisa
ku dhimatay iyo inta ay dadkii is-hayeen dileen kee badan?
7 - Ma runbaa in uu dumarbadan xoog ku qabay?
8 - Ninkii British ka aha ee ina cabdalla Xasan dhimashadiisii gabayga ka
tiriyey siduu udhintay? Ma runbaa in madaxiisii inta lasoo gooyey loo keenay
dabadeedna uu ka dul gabyey?
9 - Geela uusoo dhicinayey ninkaa ingiriis ayaa
lahaa oo uu usoo dhicinayey ,ayaase laga qaaday?
Sua’aalahaa iyo kuwa kale oo badan baa u baahan in laga
baaraan dego inta aan lagu deg degin taariikhda Ina Cabdalla Xasan ee dadka
qaarkii u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay.
Ceebi kuma jirto in lagu kala aragti duwanaado. Laakiin
ilaa inta si cilmiyeysan
taariikhyahanada Somaliyeed ay isula meel dhigayaan, ee dhinac la isku raacayo
waa in laga taxadiraa qoraalada caynkaaas oo kale ah sida ka uu qorey Aw Jaamac
Ciise ee ay badhi-taarayaan kuwa ay ka midka yihiin Axmed Idaaja. Waxa ceeb iyo
khaladba ah oo gef ku ah ummadda Somaliyeed in la koolkooliya afkaarta u gaarka in ka mid ah mujtamaca oo
laga dhigo taariikhda runta ah ee Ina Cabdalla Xasan, iyadoo aan waxba laga
waydiin inta qabta afkaar ga gadisan sidaas.
Hadaba maqaalkaa uu ninka Hawd layidhaa qorey waxa
jawaab kasoo celiyey Qoraaga/Abwaanka
reer Djibouti oo anigi aan u qaatay uun in uu difaacayo Ismaaciil Cumar
Geelle oo uu qoraagu ku tilmaamay
dictator iyo nin ammaan jecel. Xaq ayuu u leeyeha Cabdalla in uu difaaco
madaxweynihiisa, laakiin xaq uma laha in
uu difaaco taariikh si khaldan oo bug ah loo qorey. Malaha Cabdalla waxa uu ka
gubtay in uu isagu ku lug yellan doona taariikhdaas. Waayo kolkii la doonayey
in taariikdaas la qoro,sida isaguba qirtay, isaga ayey la kaashadeen dadkii wad-waday
in uu wasta u noqdo oo uu kulansiiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Taariikhda kala dhiman ee uu Mudane Cabdalle ayiday
waxa ka mid ah ta uu Ina Cabdalla Xasan Somalida oo dhan ku caayayo isagoo
ujeedadiisa kaliya ay aheyd in uu u foolxumo
ku sheego Cali Jamac Haabiil. Tuducdan (“Ciisaha bakhtiga hiigayiyo,haqay midgaan baa
leh”.) ee uu Cabdalla ku yidhi Ciise Muuse ayuu ula
jeeday ayaa ah mid aan anigu aad ula yaabay. Waxa kale oo I deeqi waayey daliilka uu adeegsaday. Gabaygan oo ka mid
kuwa ugu caansan ee Ina Cabdalla Xasan, maanta horteed lama maqal tafsiirkan
cusub ee uu inosoo daliilinayo Cabdalle. Waase laga yaabaa in uu saxba yahay
laakiin go’aankeeda iyadana waxa haboonaan laheyd in uu Cabdalla si kale u
dhigo, oo uu yidhaahdo ha la iskugu
yimaado Ciisaha la sheegayaa kuu yahay. Waa arrimaha kolka horeba ka khaldanaa
barnaamujkaa uu daadaheynaye Cabdalla ee habooneyd in uu afkaaraha kale ee ka
gadisanna soo bandhigo si ay bulsha weyntu iyagu uga qarnaqaan.
Cabdalle waxa
haboonaan laheyd inta aanu imika difaacin Aw Jamac ,Idaajaa,iyo YamYam(AHN) in
uu iska hubiyo ujeedooyinka ashkhaastan. Cabdalla Xaaji kol hadii uu yahay abwaan aad u yaqaana dhaqanka Somalida waxa ay
aheyd in nimankanu aanay sirrin oo uu
wadiiyo waxa ay u dhameystiri waayeen gabayada Ina Cabdalla Xasan, ee ay usoo
shaandheeyeen, ee ay ka reebeen intii ay doonayeen. Cabdalla Xaaji waxan kale
oo haboon in uu ka jawaabo Ina Cabdalla Xasan Midgaha dirir kama dhaxeyne muxuu
u maagayaa? Qabaa’ilka Somalida qaar badan baa magaca Ciise leh muxuu ku
yaqiinsaday in Ina Cabdalla Xasan u jeeday Ciise Muuse.Daliiku noqonmaayobay
ila tahay reerkaa way is-hayeen oo waxa jiray qabaa’il kale oo ay is-hayeen oo
magaca Ciise leh, Tusaale Ciise Maxamuud oo Majeerteen ah.
Gunaand:
Ummadda Afka-Somalida ku hadasha waxan usoo jeedinayaa in
dub loogu noqdo taariikda iyo gabayadii Ina Cabdalla Xasan , iyo taariikh kasta
oo kale oo lagu kala aragti duwanyahayba.Waxan ka codsanayaa warbaahinta
dhexdhexaadka ah in ay iska hufaan oo in gaar ahuuni u yeedhin afkaarta ay
qabaan.Waxa haboon in haddii la waayo afkaaro lagu mideysan yahay in afkaaraha
kala duwan oo dhan si siman loosoo tabiyo. Ciddii aan sidaa yeelin waxay u
eekaaneysaa kuwa dhan ka rararan ama cid
gaar ah kool koolineysa.
Allaa Mahad Leh.
Ali Aw Hussein
No comments:
Post a Comment