.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 11, 2012

Caanaha Hooyada Iyo Wax-tarka Ilmahu Ka Helo

 
- Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo dhameystiran oo buuxin kara rabitaanka iyo koriinka ilmaha, intaas waxa dheer in ay caanaha hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya difaaca ilmaha kuwaas oo inta badan dib u dhiga ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin;
 
1) cudurka dabeysha.
2) Hargab.
3) Dhega xanuun.
4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada.
5) cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka cuntada.
 
Waxaa waayadan danbe soo soo kordhayay in hooyooyinku aanay siinin ilmahooda hadii ay jaqsiiyaana aysan jaqsiin mudadii iyo waqtigii ku haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku quudin ku bilaabaan. Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu maaha mid ku kooban intaas aan sheegnay balse waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoyinka soo socda.

1) Caanaha hooyada waxa ku jira qaar ka mid unugyada difaaca jidhka ooaanuilmahau sameysan Karin bilaha u horeya noloshiisa sida IgA, IgM iyo IgG , sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga helaa borotiino la falgala birta jidhka (iron binding proteins) loona yaqaan Lactoferins, isugeyoo unugyadan iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka iyo koritaanka noocyo ka mid ah bagteeriyada laga helo xiidmaha bani’aadmiga, bagteeriyadan ayaa inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu horeeyo caruurta la siiyo caanaha dadsameyga (Formula Milk).
 
2) Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah mid Aysiidh ah kana kooban maado loo yaqaan Acetate buffer, maadada Acetate buffer ee laga helo saxarada Ilmaha naaska la siiyo ayaa waxa ay ka hortagaa koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku yiraahdo Gram negative Bacteria taas oo inta badan Qatar ba’an iyo cudura halis ah u keenta Ilmaha aan naaska la niijin.
 
3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban yihiin macdano miisan oo aan qashin saarka ilmaha dhib weyn u geysan Karin siiba kelyaha, meesha ay caanaha dad sameyga ahi ka kooban yihiin macdano fara badan oo halis gelin kara kelyaha ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah xubinta jidhka u qaabilsan qashin saarka macdanaha iyada oo raacineysa kaadida wax alaale iyo wixii macaadin ah ee jidhka siyaada ku ah.
 
4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku ah dux aan dheregdhaafsaneyn (Unsaturated Fatty acid) taas oo ka qeyb qaatada koritaanka maskaxda iyo garaadka ilmahaa halka ay caanaha dad sameyga ah aad ugu yartay dux-dani amaba aan lagu ogeyn qaarkood.
 
Ilamaha lagu quudiyo masaasada (Mujuruca) ayaa inta badan aad u cayila una nugul cuduro badan oo faafa marka la barbar dhigo Ilmaha naaska hooyadii la siiyo.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: