- Dadka reer Soomaaliland warwar iyo wareer
ayaa ku dhacey maalintii dhidibada loo taagay ururka Kulmiye. Waxaa
geeriyooday madaxweynihii si badheedha u sheegay una hirgaliyey in bulshadu xaq u leedahay inay samaysato
ururo. Ururadaa oo tartan dhex mara ka dib ay saddex xisbi qaran ka soo bixi
doonaan sida dastuurka qaranka jamhuuriyada Soomaliland dhigayo. Madaxweyne Maxamed X.Ibraahin
Cigaal (IHUN wuxuu geeriyooday
bishii May 3, 2002kii.
Waxaa markaa gabogabo ku dhaweyd waqtigii loogu talo galay in la furan karo
ururada.Hase yeeshee geeridaa ka dib ayaa
golaha guurtidu kordhiyey mudadii waxaana golaha loolanka ku soo biiray oo la unkay
labada urur ee ASAD oo uu hogaanka u hayey Salaabaan Maxamuud (Saleebaan Gaal)
iyo Kulmiye oo uu hogaanka u qabtey Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo. Sababta loo kordhiyey
ilaa iminka bulshada reer Soomaaliland looma sheegin,waxaa kaloo ka qarsoon bulshada reer Soomaaliland sababta
labadaa urur loo furan waayey markuu Cigaal(IHUN) noolaa ama loo furi waayey
mudadii loogu qoondeeyey in urur la furan karo.
Waqtigu wax tilmaami ogaa. Kala daadasho
iyo kala socosho ku timid xubnaha
wasiirada dawlada ee ka tirsan xisbiga
Kulmiye ayaa keenay in shir saddex cisho socday la qabto .Shirkaasi wuxuu
bilaabmay maalintii sabtida aheyd (Oktoober 6,2012).Inkastoo maalintii
Isniintii shirkaasi loo hakiyey aaskii qaran ee loo sameeyay halyeygii qaran
iyo maatida u doodihii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye(IHUN).
“Madaxweynaha Janhuuriyada SoomaaliLand
Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo), ayaa fadhigii maanta ee golaha
wasiirada waxa uu ku wargaliyey golaha wasiirada todobaadka soo socda golohu
yeelan doono kulamo socon doona saddex maalmood, kulamadaasi oo lagu qiimeynayo
dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo
kuwa aan la fulin”ayuu
yidhi afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Shirkaa waxaa lagu soo afjarey in laysla qaatey 70% (boqolkiiba
todobaatan) in hawlihiii Kulmiye loo igmadey ay qabteen.Isla warbixintaa ayey ku qornay in hawlaha aan wali qaban ee
hadhsan ay dhan yihiin 130 hawlood.Tani oo u dhigmaysa marka tirada boqolayda lagu tilmaamo inay
tahay 30%(boqolkiiba Soddon)-ka u hadhsan.Sidoo kale marka tiradooda boqolayda
70% (boqolkiiba todobaatan) tiro ahaan lagu cabiro waxay nnoqonaysaa inay
qabteen in ka badan 303 (saddex boqol iyo saddex) hawlood.Waa ta keentay inay
dadku garan waayaan hawlahan intaa leeg ee Kulmiye sheegtay,dawlada
laftigooguna way ku adkaatey inay tirada intaa leeg oo hawlqabad ah soo
bandhigaan bulshadana taabsiiyaan.
Wuxuu wareerkaasi sii kaalmeeyey saskii iyo anfariirkii laga qabey xisbiga
Kulmiye bundhigiisii.Hase yeeshee waxay bulshadu isku qancisay malaha tirada 7(toddobada)
ayey jeclaysteen ee iyaguba hawl intaa leeg baanu qabaney umay
jeedin.Dhacdoooyinka aduunka waxaa summad u ah inay is-fasiraan.Doorashadii
degaanka ee dhawaan qabsootey ayaa xisbiga
Kulmiye wuxuu helay tirada
toddoba goobaha ugu badan.
Waydiinta u baahan warcelintu waxay tahay markaa
tirada Toddoba iyo Xisbiga
Kulmiye maxaa isla doontay?. Marka
dib loo eego dhacdooyinkaa iyo astaamahooga ayaa waxaa la garan karaa in qorshe
la degay uu jiro una baahan in dib loo shaandheeyo, bulshadana la wargaliyo.
Dadweynaha waxaa u taala inay ka biyo-dhaliyaan
waxa u galay Kulmiye tirada Toddobada ah ,ma wadaad baa ug faaliyey,mise
waa sir ku aasan madaxtooyada?
Xusuusin:
No comments:
Post a Comment