.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, December 1, 2012

Hayadii Baan Sugaynaa: Prof. C/salaam Yaasiin

 
- Nin baa beer weyn oo uu sareen ku beeray u baxday. Beerta dhexdeedii ayaa shimbiri buul ka samaystay oo ugaxantii ku dilaacsatay. Shimbiro yaryar ayaa hooyadood beerta dhexdeedii ku korisay ilaa intay ka gaadhayeen inay duuli karaan. Waxa isku beegmay shimbirii oo weynaaday; iyo beertii oo baxday.
 
Ninkii beerta lahaa oo beerta ku dhex jira ayaa shimbirii yar yaraa midi ku dhowaatay. Waxay maqashay isaga oo leh, “Beerti baxday. Waa inaan haydii u yeedhaa si ay beerta iila gooyan.” Shimbirtii hooyadeed ayay u tegtay oo ku tidhi, “Hooyo, waxay ila tahay inay gaadhay xilligii aynu beertan ka guuri lahay.
 
''Hooyadeed waxay u celisay, “Waayo?” “Waxan maqlay ninkii beerta lahaa oo leh beerti way baxday. Markaa waa inaan haydii u yeedhaa si ay beerta iila gooyaan,” ayay u sheegtay hooyadeed shimbirtii yarayd. Waxay ku tidhi hooyadeed, “Iska nefis, hooyo.

Weli may gaadhin xilligii aynu beerta ka guuraynay. Maxaa yeelay, ninka haydii ka sugaya inay shaqadiis u qabtaan, weli diyaar uma aha inuu beertiisa goosto.” Shimbirtii yaryd waxay hooyadeed waydiisay, “Hayduu waa maxay?” “Waa urur dadka danyarta, duunyo, iyo deeganba dilaala iyaga oo leh waan idin kaalmaynaynaa.”

Muddo dabadeed oo abuurki sii bislaaday, ayay hadana shimbirihii iyo hooyadood maqaleen ninkii beerta lahaa oo leh, “Abuurki waa sii bislaaday, markaa, waa inaan shaqaale doontaan beerta ila gooya.”
 
Hooyadood intay shimbirii ku jeesatay ay ku tidhi, “ Imaka ayay gaadhay xilligii aynu beerta ka guuraynay. Marba haddii u ninkii lahaa ciidan u doonanayo oo beerta goosanayo, fadhi inooguma hadhin ee waa guuraynaa.”
 
W/q: Prof. C/Salaam Yaasiin

No comments: