.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, December 19, 2012

Munaasabadda sanadguurada 40aad: Ma munaafaqadiihii Ina Geelaa mise….?

 
''Hadaba waxa la isweydiin karaa maxaa kalifay ee Ina Geele uu arrimaha ex-Somali Republic gacmaha ugala bixi laayahay? Ma ka Somali-jaceylbaa sida uu sheegto oo waa ka dhab? Mise waa ku faan iyo ..''. Cali Aw Xuseen
 
- Waa arrin aad u wanaagsan in la xuso 40 guurada kasoo wareegtay kolkii ugu horeysay ee la shaaciyo qorista farta Af-Somaliga. Inkasta oo libinta dadka qaarkii siiyaan taliskii Af-Weyne hadana  waxa ay xaqiiqdu tahay in arrintu sidaas aanay aheyn,  oo ilaa muddo hore lagu hawlanaa qorista farta Somaliga.  Waxa xataa dad badani ay rumeysanyihiin,  sida ay aqoonyahano badani  sheegeen, in aanay waqtigaasu aheynba  goortii ku habooneyd ee lagu dhawaaqi lahaa. Waayo qabyo badan ayaa jirtay oo dadkii ku hawlanaa ay ku jireen saxitaankeeda iyo hagaajinteeda. Ku deg degaa lagu deg degay waata dhaxalsiisay in fartaasu ilaa maanta ay baaxaa-degeyso oo  saldhigi waydo. Af-weyne ujeedadiisu waxa ay aheyd in uu ku magac doonto iyo in uu iska  dabro dadkii ka cilmiga iyo aqoonta badnaa oo uu ugu hanjabo  in hadii ay la shaqeyn waayaan uu  hayo dad iyaga badali kara.

Faan daydaynimadaa Af-weyne waxa la mid ah ta  madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele . Ina Geele waa run oo wax badan ayuu isku hawlaa arrimaha wadankii la isku odhan jiray Somali Republic in uu soo nooleeyo, haddii ay tahay dhanka siyaasadaa, dhaqanka, Sugaanta….iwm. Inta badana waxa uu galiyaa juhdi  iyo kharashka ummadda oo aanu cidna kala tashan. Laakiin iska daa wax uu u taree, Kol-kolka qaarkood wuxu Somalida ku kordhiyaa  ama uu u horseedaa  mashkalad hor leh oo aan jirrin. Dhibaatooyinkaas uu abuuray waxa ka mid ah habka muqadaska u noqday Somalia ee saami qeybsiga beelaha ee loo yaqaano 4.5. Runtii waa arrin taariikhdu qori doonto oo bar madow ku ah Ina Geele iyo intii la qaadatay ee gacan ka geysatay in habkaa xaaraanta ah ummmad lagu dhaqo oo lagu maamulo.
 
Hadaba waxa la isweydiin karaa maxaa kalifay ee  Ina Geele uu arrimaha ex-Somali Republic gacmaha ugala bixi laayahay?  Ma ka Somali-jaceylbaa sida uu sheegto oo waa ka dhab?  Mise waa  ku faan iyo ku magac doono sidii Af-weynihii ka horeeyey?
Dad badan oo aan ku jiraa waxay aaminsanyihiin jaawaabtu in ay tahay ta dambe.Waxan aaminsanahy in Ina Geele ehel u noqon karrin Somali.Waxanan daliil uga dhigayaa sidan soo socota:
1.      Somalid waxa ay tidhaa: Tiisaba Daryeelaa tu kalena Wax Tara. Ma mudantahay in malaayiin doolar oo hantidii qaranka shacabka reer Djibouti ah lagu kharashgareeyo munaasabadaha caynakan oo kale ah tiiyoo shacabkii lahaa,(Reer Djibouti) ay ka haraadanyihiin oo ay aany awoodi karrin qaboojiya(air conditionr) ay ka hoos galaan kulaylaha aan la xamili karin ee wadanka?
 
2.      Haddii ay dhab ka tahay Af-Somalibaan ehel u ahay maxaa manaahiijta Schoolada Djibouti si waafiya loogu dari waayey ee loogu kobcin waayey? Waxa marag ma doona in meesha Af-Somaligu ugu daciifsanyahay dhulka ay Somalidu degto ay tahay Djibouti. Waxad ka yaxyaxeysa sida uu Af-Somligu ugu liito Djibouti.Taasaa mudan Ina Geele in uu ku tutuunsado oo uu u guntado sidii ii kor ugusoo qaadi lahaa aqoonta caruurta reer Djibouti ee Afka hooyo. Taasaa ka mudan in uu ku magac doonto qaamuus uu yidhaa waa maal galiyey.
 
3.      Haddii aanay faan iyo wax kale ka ahyn Ina Geele uma direen ciidamo Somalia isagoo wadankiisa badh la haysto.
 
4.      Haddii aany munaafaqnimo iyo wax kale ka aheyn xadka Djibouti dadka ka dhow  ee Ethiopia iyo Somaliland ayuu u gurman lahaa inta uu leeyahay waxan u gurmanayaa Somali u jirta kumanaan kilometer.
 
Waa astaamaha lagu yaqaan Dictator ka in uu magac ka doonto dibadaha halka uu magaca iyo maamuusku ku jiro dadkaaga oo aad hoos u egtaa. Waa run oo infrastructures fara badan oo ay ugu horeyso dekada caalamiga ah ayaa ka hirgalay wadanka. Laakiin taa waxa barbar socda dhibaatooyin farabadan oo aan hore uga jirrin wadanka. Sida biyo xumida laydhtiriiga oo aan ku filneyn oo dadka intuusa badan aanay awoodi karrin. Tiiyoo arrimahaas oo dhami jiraan waa laga mudanyahay in kharashka yar ee la hayo lagu kharshgareeyo is-tus-tus iyo ha lagu faaniyo.
 
Allaa Mahd Leh
 
Cali Aw Xuseen

No comments: