.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 18, 2012

USAID: Somaliland Waa la Maal-gashan Karaa *Dhegta-maal


- Hay'adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta Caalamiga ah ee loo yaqaan USAID oo kaashanaysa Wasaarada Ganacsiga ee jamhuuriyadda Somaliland iyo Rugta Ganacsiga ayaa Maanta Somaliland ku soo bandhigtay Daraasad dhiirigelinaysa Maalgashiga Debedda iyo Fursadaha ka banaan Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgashiga.

Daahfurkan ayaa qeyb ka ah mashruuc ay Hay'addani ugu talo gashay kobcinta dhaqaalaha oo ku kacaya illaa 13 Million oo Dollar. Dhanka kale, Cilmi baadhistaa sannadkan la sameeyay waxa ay daaha ka rogtay in ganacsatada iyo maalgashadayaashuba ay aad ugu kalsoonyihiin dhaqaalaha waddanka”, sidaa waxa yidhi Wasiirka wasaarada Gancsiga, Mudane Abdirizak Ahmed Khalif. Waxa aanu rajaynaynaa in kalsoonidaasi halkaa ka sii socon doonto, siina kordhi doonto oo ay maal galintuna intaa kasoo korodho.ayuu ku daray. Cilmi baadhistan waxa lagu ogaaday in maalgashiga ganacsiga heerka dhexe oo ah inta u dhaxaysa $100,000-$500,000 uu labanlaabmay magaalada Hargeisa intii u dhaxaysay 2011-2012, waxaanu kordhay inta u dhaxaysa 7.5%-17%.
 
*Dhegta-maal

No comments: