- Sideedaba taariikda waa dhacdo hore inoosoo
martay oo aan dub loo cusbooneysiin karrin ama loo badali karrin. Waxase jira
dad iyagu, iyagoo ujeedooyin gara ah wata, damca in ay taariikda u dhigaan si
gaar oo ay qaloociyaan. Laakiin inta badan waa la-iskaga daba yimaadaa oo tubtii ay lahayd ee saxda aheydbaa
lagu weeciyaa. Sidaasu kolka ay dhacday ceeb iyo wadhibaa ka raacda kuwii isku
dayey majarohabaabinta sooyaalka taariikheed.
Taariikhaha sida weyn beenta looga sheegay waxa ka mid ah ta Maxamed
Cabddalle Xasan iyo wixii la odhan jiray Daraawiishta. Taariikhdaas waxa buug
ka qorey nin la yidhaa Aw Jamac oo ay badhitaarayaan niman aan kolka horeba
ehel u noqno karrin talalaxinta taariikhda dadyowga ku hadla Af-Somaliga. Dadka
caynkaas ah waxa ka mid ah ninka la yidhaa Axmed Idaajaa oo ah hadhaagii ubaxii
kacaankii Af-weyne ee lagu ababiyey koolkoolinta iyo sara u qaadida magaca beel
gaar ah. Axmed Idaajaa ,oo isku dara abwaaniinta dadka Af-Somaliga ku hadla,
aqoon yaridiisa waxa u dheer waa nin qarsan
kari waayey neceybka uu u qabo beel gaar ah. Waa nin la kowsaday kacaankii oo
gar iyo gardaraba beeshiisa cimaamada halyeynimada madax ugu duuba.
Waxa taa daliil u ah barnaamuj uu ka sii daayo idaacada VOA. Barnaamujkaas waxa uu aad ugu eekeysiinayaa in haddii ay Somaliyi taariikh laheyd ay tahay tu u gaar ah beeshiisa, oo aanay cid kale oo soomaaliyeed oo taariikh guuli ku jirto kula dherertami kartaa aanay jirrin. Nasiib daro, maamulka VOA waxa seegtay halkuu kaga tagay dadka intiisa kale. Mise waabay la qabaan sidatan oo Somali kale oo taariikh lihii ma jirto?
Waxa taa daliil u ah barnaamuj uu ka sii daayo idaacada VOA. Barnaamujkaas waxa uu aad ugu eekeysiinayaa in haddii ay Somaliyi taariikh laheyd ay tahay tu u gaar ah beeshiisa, oo aanay cid kale oo soomaaliyeed oo taariikh guuli ku jirto kula dherertami kartaa aanay jirrin. Nasiib daro, maamulka VOA waxa seegtay halkuu kaga tagay dadka intiisa kale. Mise waabay la qabaan sidatan oo Somali kale oo taariikh lihii ma jirto?
Aw Jamac iyo cid kastaa waa u xor in ay
taariikhda Ina Cabdalle Xasan wax ka qoraan. Laakiin waa CEEB iyo DAMBI
in ay taariikdiisa qaloocshaan oo been ka sheegaan. Waa nasiib darro Aw Jamac oo wadaad,
sida ka muuqata magaciisa, diinta wax ka yaqaan ahii, in uu u badheedho
been oo uu u si khaldan u fasiro ujeedooyinka loola jeeday gabayada Ina
Cabdalla Xasan. Sida kolka uu leeyahay tuducdan (CIISAHA BAKHTIGA
HIIQAYIYO HAQAY MIDGAANBAA LEH) waxa loola jeeday reerka la yidhaa
Ciise Muuse ee loolama jeedin Ciise. Aw Jamac odhan kari mayno waa ka bes
laakiin waa badheedhayaa kolka uu gabayada Ina Cabdalla Xasan qaarna soo qorey
kuwa kalena ka tagay amaba uu wax yar ka xusay. Taariikda Aw Jamac kaga
sheekeynayo buugiisa iyo marar badan oo
wareysiyo lala yeeshayba wuxu beel gaar
ah ku shaabadeynayaa in iyagu ay ahaayeen kuwo gaalka la socda oo neceb in
diintu guuleysto.
Aw Jamac kamuu sheekeyn afcaashii Ina Cabdalle Xasan ee ka
baxsanaa dhaqanka diinteena suuban. Aw Jamac ma sheegin hagardaamadii uu Ina
Cabdalla Xasan gaadhsiiyey ummadda waliba reerka uu isagu kasoo jeedo ee
libinta aan jirrin ee Daraawiishi laheyd iyagu isa siiyey. Sida taariikda saxda
ahii sheegeyso inta gacanta Ina Cabdalla Xasan ku dhimatay ee uu yidhi way
xujoobeen, iyo inta Istimaarkii Ingiriiska iyo Talyaniga oo la isku daraa
dileen waxa intay doonto ka badan inta ku nafweyday gacanta Ina Cabdalla Xasan.
Waxa ka darran inta maal muslim uu dhacay ee uu xalaashaday.Waxa iyana la
sheegaa dumarka uu qabay oo uu u qabay si ka baxsan sida diinteenu ina fartay.
Taariikhaha kale ee beenta ah ee la isku
heysto sida loo wariyo waxa ka mid ah:
1.
Taariikhaha laga been sheego
iyadoo ujeedadu tahay in beelna loo sameeyo faan iyo taariikh kuwa kalena la
aaaso waxa ka mid ah halgamadii gobonimo doonka ahaa. Waxad arkeysaa sida loo
buunbuuniya SYL ee aan loosoo qaadin Kheyriyadii, SNS.SNL,USP &NUF .
Xisbiyadan oo qaarkood ka fac weynyihiin SYL lagama hayo soo hadalqaadkeeda
kolka Idaajaa iyo qeyrkii ay ku andacoodaan taariikh iyo halgan
Somaaliyeedbaanu ururinaa oo ka sheekeynaa
2.
Waxa murran ka taaganyahay oo
la isku heystaa isdhex-yaacii Somaliland iyo Somalia ee 1960 ma guulbuu
dhaxalsiiyey ummadda mise guuldarro? Waxa murran ka taaganyahay isdex-yaacaasi
ma xaaraanbuu ahaa mise Xalaal?
3.
Tixda caanka noqotay ee ,AHN,
ee Timacadde ee KAANA SIIB KANNA
SAAR ee ay ka turjumeysay wadaniyadnimadii iyo Somali jaceylkii reer
Somaliland maxaa ka dambeeyey ee uu ka tiriyey gabayaagu ka dib kolkii uu arkay
in lagu hungoomay? Maxaa fagaarayaasha kuwa beenta taariikhda ka sheegaa ay
usoo qaadi waayaan gabayadaas?
4.
Waxa ka mid ah taariikhda loo
sameeyo hororkii Af-Weyne ee isga iyo qeyrkii masuulka ka ahaayeen bur burka
gaadhay gayiga geeska Africa gaar ahaan inta ay degaan dadyowga Af-Somaliga ku
hadla ee ilaa maanta dhibaatadii ka dhacaday aduunkoo dhami ay furdaamin kar
laayihiin. Idaajaa iyo colkiisu waxa ninkaa ay ku suntaan saciim ummadeed oon
la arrag.
5.
Waxa ka mid ah taariikhaha
beenta laga sheego dagaalkii 1977. Degaalkaas oo si xun loogu jabiyey askartii
wadankii la isku odhan jiray Somali Repiublic ilaa imika dad badan ayaa kool
kooliya oo yidhaa wuxu ahaa guul usoo hoyatay ummadda. Waxay dad badani ,oo aan
anigu ka mid ahay, qabaan in ay aheyd guuldarro ciidan tii ugu weyneyd. Waxa
kale oo la qariyaa dhaqan xumadii iyo baabi’ii uu ciidankaasu u geystay dadkii
deganaa Ethiopia kolkii uu dagaalku socday. Waxa kale oo ogaan loo ilduufaa
dhibaatadii ka dambeysay ee shacabka ay ku hayaan hadhaagii jabhad-ku-sheegii
WSF ee dhaca ,boobka,dilka iyo kufsiga lahaa ee ay ku hayaan ummadda. Waxa
taariikdu saxda ahi sheegeysay in dadkii degaanka xadka Ethiopia-Somaliland ay
is-abaabuleen oo sameysteen ciidan iska-caabiya hagardaamada qowleystayaashaasu ku hayeen. Ciidankaa waagaa la abaabulay waa
kii bud-dhiga u noqday ciidankii jabhadii SNM ee hororkii Af-weyne ka xoreysay
Somaliland
Gunaanad:
Waxa la yidhi beeni raad ma leh.
Intaas iyo qaar kale oo badanba oo ka mid ahtaariikhaha
la soofdarran habaabiyey waa la isku heystaa. Waxana daliil u noqon kara buuga
uu dhowaanta qorey qoraaga weyn ee reer Somaliland Cabdiraxman Guri Barwaaqo
iyo afkaartii laga soo celiyey durba halka ay mareyso.Waxa durba sida fiinta
fooraha ka qeylisa afka kala waaxay kuwii doonayey in ay beentoodu waarto oo dadka ku hilaaabnaadaan.
Dadka sooyaalka taariikda majarahabaabinaya
ha ogaadeen in beentoodaasi soo afjarmi doonto. Ka Socanmeyso wixii ay la
kaashadeen dawladii Af-weyne oo waa la
iskaga daba iman sida imikaba ifafaalaheedu muuqdo. Madaxweynaha iyo Dawladda
Djibouti oo aad xodxodotaana ,oo aad
sirtaan, oo ad kolba geed isku marisaan, isaga iyo dad ku dhow-dowiba meel idin gaadhsiin mayso. Si kasta oo loo maal
galiyo daabacaadaa taariikh tahriib ah oo bug ah waxa ay ku danbeyn BEENI RAAD
MA LEH. Waxa kale oo intaa idiin dheer in aad kashifantaan oo aad ku
suntanaantaan dad ehel u ah been sheega.
Allaa Mahad Leh
A. Aw Hussein
No comments:
Post a Comment