.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, December 15, 2012

Xukuumadda oo ka Fiirsanaysa Tallaabada Laga Qaadi Karo Komishanka Doorashooyinka

 
- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inay ka fiirsanayso tallaabada ku habboon ee laga qaadi karo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo lagu eedeeyey inay masuul ka yihiin fool-xumooyinka ku lammaanaa natiijada doorashadii golayaasha degaanka ee 28 November 2012 dalka ka qabsoomay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in xukuumaddu ka werwersan tahay awoodda farsamo iyo tayada xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo lagu tilmaamay inay qaab xun u maamuleen doorashadii golayaasha degaanka, gaar ahaan natiijooyinka is-burinaya ee ay ka soo saareen codbixintii caasimadda degmada Hargeysa oo keentay rabshado dhimasho iyo dhaawac dhaliyey.

Sida ilahaasi tibaaxeen, xukkumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo waxay ka -biyo diidsan tahay, isla markaana shaki weyn ka qabtaa sida loo aamini karo xubnaha Komishanka oo muddo-xileedkoodu ku egyahay bisha October ee sannadka 2014 inaay dalka ka qabtaan doorashooyin kale, iyadoo la sheegay in xukuumaddu ka fiirsanayo tallaabooyinka laga qaadi karo Guddiga Doorashooyinka, kuwaas oo ay ugu horreyso sidii loo kala diri lahaa, loona dhisi lahaa Komishan cusub oo maamula doorashooyinka soo fool leh.

Toddoba xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa xilka loo dhaariyey 28kii bishii October ee sannadkii 2009, waxayna sida sharcigu dhigayo xafiiska fadhiyayaan muddo shan sanno ah oo ku astaysan October 2014, waxana dhammaadka muddo-xileedkooda hadda ka hadhsan laba sanno oo laba bilood iyo maalmo ka dhiman yihiin.

Sida qorshe-hawleedkoodu yahay waxa xubnaha Komishanka laga sugayaa inay dalka ka qabtaan doorashada Golaha Wakiillada oo muddo-kordhintii loo sameeyey 7 September 2010 ku egtahay bisha April ee sannadka 2013.

Hasayeeshee, sida ilo-wareedyadu Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa hadda meesha ka sii baxaya kalsoonida xukuumaddu ka qabto in komishanku leeyihiin karti iyo awood ay ku maamuli karaan doorashooyinka kale ee Somaliland sugayso, sidaa darteedna waxay xukuumaddu ka fiirsanaysaa in la kala diro xubnaha Guddiga Doorashada ee hadda shaqeeya, lana magacaabo Komishan cusub oo lagu aamini karo garsoorka doorashooyinka soo socda.

Qaabka loo kala diri karo Komishanka Doorashooyinka

Sida ku cad xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo golayaasha degaanka ee Xeer Lr. 20/2001, gaar ahaan qodobkiisa 13aad, Madaxweynaha Somaliland ayaa awood u leh xil-ka-qaadista Komishanka Doorashooyinka, balse waxa shuruud u ah in Golaha Wakiillada ansixiyo.

Qodobka 13aad xil-ka-qaadista Komishanka

1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:

a. Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay;

 b. Marka uu xilka gudan kari waayo karti-darro ama caafimaad-darro awgeed;

 c. Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuqmaasuq, iwm;

2. Marka arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato.

 3. Xil-ka-qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiilladu ku ansixiyo xil-ka-qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).

 4. Marka ay banaanaato xubin Komishanka ka mid ah; xil-ka-qaadis, geeri, ama is-casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii bannaysay ku timi,” ayuu dhigayaa qodobka 13aad ee xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo degaanka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ururrada siyaasadda ee ka qaybgalay doorashadii golayaasha degaanka ee dhowaan dalka ka dhacday, ayaa cabasho weyn ka muujiyey natiijadii doorashadaas, kuwaasoo caddeeyey inay maslaxadda iyo danta guud ee ummadda darteed uga tanaasuleen tabashooyinka ay tirsanayaan, waxaanay ugu baaqeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka inay shuruud la’aan iscasilaan, iyagoo ku eedeeyey inuu masuul ka yihiin fool-xumooyinka hadheeyey doorashadii dawladaha hoose.
 
Xigasho: Jamhuuriya

No comments: