.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, January 30, 2013

Madaxwayne Siilaanyo: ''Somaliland Waa Dal Xor Ka Ah Soomaaliya Namana Sheegan Karaan.....*Dhegta maal

 
BBC; - Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay dowlad u ahayn isla markaana aanay xukumin jamhuuriyada Somaliland. Hadalkan ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka sheegay mar uu maanta khubda u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin horumarinta Somaliland iyo sidii aan aqoonsi uga heli lahaayeen dunida. Siilaanyo waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ay u sheegayaan inay tashadeen oo aanay jirin cid jujuubi karta. "dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jeclahay inay noo dhaxeyso cilaaqaad wanaadgsan." ayuu yidhi Madaxweynuhu.Warkan iyo ku kaleb riix hoosta;
 
*Dhegta-maal

No comments: