.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 14, 2013

Sheeko: '' Ma Biciid Ma Faras?! Prof C/salaam Yaasiin

 
- Boqoradii Shiinaha mid ka mid ah ayaa dhintay. Intaan ciddii boqortooyada dhaxalka u lahayd la saarin carshiga (kursiga boqornimada), ayaa ninkii Wasiirka Kowaad u ahaa qorshe uu awoodda boqortooyada ku hantiyo dejiyay. Wuxu shirqoolay ninkii carshiga xaqa u lahaa; waxaanuu boqoray nin kale oo uu gacanta ku hayo.

Wasiirkii Kowaad boqorkii cusbaa gacanta ayuu ku qabtay; isaga oo ku gabanaya boqorkana, taladii dalka isaga ayaa qabsaday. Hasa yeeshee, weli ma werwer beelin. Maxaa yeelay, wuxu dareen ka qabay inay halisi kaga timaado golaha wasiirada. Ka dibna qorshihii labaad ayuu dejiyay.
 
Wuxu la yimi tijaabo uu wasiirada ku tijaabinayo si uu u kala ogaada ka daacadda u ah iyo ka aan u ahayn.

Boqorkii oo golihii boqortooyada fadhiya, ayuu biciid keenay. Intuu boqorkii salaamay ayuu ku yidhi, “Boqor, waxan golaha keenay faras.” “ Waad qaldantahay, Wasiir Kowaad,” ayuu ku yidhi boqorkii, “ma biciid baad faras ku sheegaysaa?”

Wasiirkii Kowaad wuxu ku jeestay wasiiradii oo hal hal u weydiiyay inuu xayawaankan uu golaha keenay yahay biciid iyo inuu yahay faras. Wasiiradii qaar way aamusayn; qaarna waxay yidhaahdeen waa biciid. Hasa yeeshee, kuwii gartay in awoodda dhabat ah ee boqorka ka dambaysaa tijaabinayso, waxay yidhaadeen waa faras.
Boqorka laftiisii ayaa shakiyay oo naftiisii ku yidhi, “Talow, ma indhahaygaa, mise wax baa iga yara si ah! Ma biciid baa, ma faras baa?”

Intii ay tijaabadu socotayna nin karaaniya ayaa wasiirka aamusay iyo kii hadla iyo jawaabtiisaba qorayay. Ka dib markii tijaabadi dhamaatay, ayaa jawaabihii loo keenay.

Hadduu jawaabii helayna, qorshihii saddexaad ayuu dejiyay. Wasiiradii yidhi xayawaanku waa biciid ayuu mid mid u shirqoolay oo shaqadii ka eryay. Kuwii kalena: ma wasiiraa, ma . . .!!!? Bal adba garo!!! 
 
Prof. C/Salaan Yaasiin

No comments: