.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, January 17, 2013

Wasiirka Arrimaha Dibadda S/Land Oo Ka Waramay Nuxurka Shirar Ay Dubai Kula Yeesheen Wasiiru-Dawlaha Khaarajiga Imaaraadka Iyo...

 
''Waxanu ka wada hadalnay casriyeynta iyo balaadhinta dekadda Berbera sidii ay u noqon lahayd dekad casri ah oo ''. Dr. Maxamad
 
- Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warbixiyey nuxurka laba shir oo ay shalay ku yeesheen Magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka Carabta, kaas oo wafti uu hogaaminayaa oo ay ka mid yihiin Wasiirada Madaxtooyada iyo Macdanta iyo Biyuhu kula kulmeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Imaaraadka Dr. Anwar Mohammed Gargash, isla markaana sheegay inay ka wada-hadleen arimo ay ka mid yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Somalia iyo sidii uu Imaaraadku u maalgashanlahaa dalka.
 
Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu Haatuf khadka telefoonka ku siiyey xalay isaga oo ku sugan Magaalada Dubai, kaas oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan ay saddexdoodaas Wasiir oo uu wehelinayo Maareeyaha Dekadda Berbera Eng Cali Xoor-xoor ay la yeesheen Madaxda sare ee Dekadda Magaaladaas Dubai, kaas oo xusay inay isla eegayeen sida ugu haboon ee dekadaasi uga qaybqaadan lahayd hawlo uu sheegay in lagu casriyeynayo dekadda Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
 
Waraysigaas oo uu Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi kaga hadlay arimahaas iyo kuwo kale oo door ah ayaa isaga oo ugu horayn ka hadlaya kulamada ay la yeesheen Madaxda Imaaraadka iyo waxay ka wada hadleen, waxa uu yidhi;
 
“Aniga iyo waftigii ila socday waxaanu maanta kulan Wasaaradda Arrimaha Debadda ee dalkan Isu-taga Imaaraadka Carabta kula yeelanay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Imaaraadka Dr. Anwar Mohammed Gargash oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Khaarajiga ee dalkan, waxaananu ka wada-hadalnay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen xaga horumarka dhaqaalaha oo aanu waydiisanay in dawladad Imaaraadku ay gacan ka gaysato sidii Maalgalin loogu samayn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland iyo khayraadka dalku leeyahay intaba. Waxaanu Wasiir Anwar noo balanqaaday in dawladda Imaaraadku ka shaqayndoonto soonto sidii ay Somaliland maalgashi uga samayn lahaayeen”.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu Madaxda Khaarajiga Imaaraadka ka wada hadalnay arin xaga siyaasada ku saabsan oo ah in dawladda Imaaraadku ay Kaalin mugleh ay qaadato sidii ay kalhoreba uga qaadatey wada-hadalada u dhaxeeya labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia.
 
Waxaana uu Wasiirku cadeeyey inuu ka hawlgali doono isla markaana ay ku talo-jireen arinkaas, dhawaana ay war ka soo saari doonaan doorka ay ka qaadanayaan wada-hadaladaasi, waxa kale oo aanu ugu danbayntii ka wada-hadalnay Madaxdaas aanu la kulanay arimo ku saabsan xaga mucaawinada iyo gargaarka, marka laga saaro arimo xaga horumarinta biyaha ah oo xaga binu-aadanimada ah oo aanay dawladda Imaaraadku hore u siinjirin Somaliland, manay jirin mucaawinooyin toos ah oo ay Somaliland siiso dawladda Imaaraadku sida kuwa ay siiso dalalka soo koraya oo dunida. Wasiiru-dawlaha dalkaas Dr. Anwar waxaanu ka codsanay inay si rasmi ah Somaliland ugu dirto Mucaawinooyinka ay bixiso, haday tahay xaga Waxbarashada, Caafimaadka iyo xaga horumarka kaleba, arintaasna dawladda Imaaraadku way soo dhawaysay dhawaana labada dawladood waxay ku heshiin doonaan dhinacyada ay dawlada Imaaraadku ka taageeri doonto Somaliland”.
 
Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey arinta la xidhiidha dib u dhiska Dekadda Berbera ee la sheegay in Imaaraadku ka taageerayo Somaliland, waxa uu yidhi “Shirka Wasiirka aanu yeelanay ka-sokow waxa aanu yeelanay shirkale oo wayn oo aanu la yeelanay Madaxda sare ee Dekadda Imaaraadka, waxaananu ka wada-hadalnay sidii ay suurta-gal u noqonkarto in dekadaasi ay Maalingalin ugu samayso casriyeynta iyo balaadhinta dekadda Berbera sidii ay u noqon lahayd dekad casri ah oo wayn oo geeska Afrika ku taala, isla markaana u adeegi karta dalal badan oo mandaqada ku yaala, taas oo dhaqaale badan u soo saari lahayd dalka, si wayna uga qaybqaadan lahayd horumarinta dalka.
 
Wada-hadaladaasi way noo sii socondoonaan oo maanta waxa aanu la kulanay masuuliyiin ka tirsan dekada barina waxaanu kulamo mihiim ah la yeelan doonaa is madaxda sare ee Dekadaas Caalamiga ah”. Wasiirka Khaarajiga mar la waydiiyey sababta wakhtigan keentay in Wasiirada Khaarajiga, Madaxtooyada, Macdanta iyo biyaha iyo Maareeyaha Dekada Berbera uu socdaalkoodaasi iskugu beegmay, waxa uu yidhi;
 
“Markii ugu horaysay waftigu waxa uu ahaa aniga iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxa kale oo nala socday Maareeyaha Dekadda Berbera oo isagu ka qaybgalaya wada-hadalada dhinaca Casriyeynta Dekada Berbera, taas oo waajibaadka saaran iyo aqoonta uu u leeyahay shaqadiisu ay ka fursan wayday inuu ka qaybqaato wada-hadalaas. Hase yeeshee Wasiirka Macdantu isagu hore ayuu u joogay halkan oo shirar xaga macdanta iyo shidaalada ku saabsan ayuu ka qaybgalay, isla markaana markii danbe maadaama oo uu masuul qaranka ka tirsan uu yahay waxa uu ku biiray waftigayagii”.
 
Mar wasiir Maxamed C/laahi la waydiiyey in ilaa imika la cayimay wakhtiga ay furmayaa wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa uu sheegay inaanay jirin ilaa hada wakhti rasmi ahaan loo qoondeeyey inay furmaan wada-hadaladaasi, waxaanu yidhi;
 
“Ma jiro wali wakhti rasmi ah oo loo qabtey inay furmaan wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, laakiin dawladda Somaliland waxay arintaas ka qaadatay kaalintii hogaamineed ee ay ka qaadatey markii ay wada-hadaladii hore la yeelanaysay dawladii ku meelgaadhka ahayd ee uu hogaaminayey Sheekh Shariif. Markaa waxa aanu safar ku tagay dalka Ingriiska oo aan ka codsaday in shirkan la qabto isla markaana Britain ay ka qaybqaadato fududayntiisa, waxaana halkaas nagaga daba yimid wafti ka socda Somalia oo ay ka mid ahayd Wasiirka arrimaha dibada ee Muqdisho, halkan Imaaraadka Carabtana anaga ayaa ka hor nimid, markaa dawlada Somaliland xilbay iska saaraysaa arimahaas, waxaananu wada-hadaladaas ugu talo-galnay inaanu kaga midho dhalino himilada qadiyada ictiraaf doonta ee Somaliland ee ah inay aqoonsi caalami ah ka hesho dunida”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: