.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, February 10, 2013

Fanaanada Khadra Daahir Cigge Oo Gabay Baroordiiq ah u Tirisay Marxuum-Jaamac Xayd

 
- Fanaanada Caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ah fanaaniinta aadka loo jecel-yahay codkeeda ayaa waxay markii ugu horeysay taariikhda tirisay, Gabay baroor-diiqa oo la yidhaahdo “Garab Igu Banaanaa’ oo ay u tirisay Alle ha u naxariiste Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo ay ahaayeen Walaalo isku dheer, oo ku geeriyooday dalka Kenya taariikhu markey ahayd 11/1/2013. kadib markii uu madaxa-dhiig kaga furmay afar cisho ka hor.
 
Khadra Daahir Cige waxay gabaykan tirisay 12/1/2013. Waxaanu u dhignaa sidan:

 Kolay geeri lama huraayo
   
Godkuna waa ina sugayaa
 
Goobta maanta ay timid
  Ayaa noqotey kala guure
 
Garab ayaa banaanaaday
  Oo Geesibaa baxaye

Tacsi baan gudbinayaa
  Dhamaan gudaha Soomaali

Rabbi kuu gargaaryoo
Jannada eebe kuu garaye

Naxariista guud iyo ta gaar
 Eebe kuu gogolye

Gabadhaad jeclaydiyo
  Gurboodkii ay ku heysay

Gacaladii walaashaa
Khadraan Samirkan gaadhsiine

Anigana xasuus aan go’ayn
  Baa iguud sudhane

Asaxaabtii gebigood
  Qalbigu waa gubanayaaye

Gocoshada Xasuustana
  Waxaan hadal ku soo gooyey

Gidigeen ILAAHAY janada
  Ha ina wadageeyo”.

Gabaygan baroordiiqda ee ay fanaanada Khadra Daahir Cige u tirisay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ee dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya gabaygii ugu horeeyey ee ay tiriso muddadii dheerayd ee ay ku dhex jirtey badweynta Fanka Soomaalida.

No comments: