.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 23, 2013

Qofka Mu'minka ah God Laba Jeer Lagama Wada Qaniino

'
'Waxa la isku dayayaa in khilaaf la kala dhex dhigo shacabka iyo xukuumadda Somaliland oo waxa la leeyahay ereyo ''. Cali Aw-Xuseen 
 
- Xorriyadda Somaliland maaha qiimaheedu mansab Xamar laga doonto, maaha dudmo dumareed, maaha….Waa Go'aan ummadeed oon gorgortan laheyn, waa god madow oon dib loogu dhicin, waa.. Waa... Waa..!Waxa dhowaan warbaahinta la wad-waday oo la soo dhex dhigay mabda'a ujeedadiisa looga dan leeeyahay in lagu xagal daaciyo go'aankii Ummadda Reer Somaliland ee la soo noqoshadii xoriyadoodii ka dayacantay 1960kii.

Waxa la sheeg-sheegayaa in shakhsi Reer Somaliland ku abtirsada loo salaxayo jagada Ra'iisal-Wasaaraha wadanka Somalia. Waxa ay dadkaasu ku andacoonayaan in hadii sidaas la yeelo ay suurta-gal tahay in J. Somaliland ay ka noqoto go'aankeedii oo ay dib iskaga xaadiriso Xamar. Fikradaa rakhiiska ah dadka wada-wadaa waxa ay xorriyadii J. Somaliland ku miisaameeen in ay la mid tahay dad u dudayey mansab iyo sad-bursi.
 
Waxa ay u muuqataa oo la doonayaa in la niyad jabiyo ummadda si ay u aqbalaan in mar labaad godkii madoobaa ee ay ka soo baxeen dib loogu celiyo oo lagu aaso. Waxa  la isku dayayaa in khilaaf la kala dhex dhigo shacabka iyo xukuumadda Somaliland oo waxa la leeyahay ereyo sidan ah: 'shacabka waa la maaweelinayaa ee siyaasiyiinta iyo xukuumaduba ma foga ee ha lala baayactamo oo mansabyo ha loogu ballan qaado"! iwm. Waxyaabaha cadowgu adeegsanayo waxa kale oo ka mid ah iyaga oo yidhaahda:
  •  22 Sanadood ayaad meel walba marteen oo aad albaab walba garaacdeen oo waxba weydeene miyaad cidlada iskaga soo hoyataan!
  • Albaab walbaa idinku soo xidhan oo ictiraaf weydee iska soo noqdo!
  • Ra'iisalwasaare qaata ama Madaxweynahaba!
  • Hargeisa Caasimad ha laga dhigo!
  • Somali u talya!
  • Magdhow iyo xaal qaata!
  • Xasuuqan iyo waxyaabahan aad ku meereysataan iska ilaawe waayo  Somali meel walba xasuuq waa ka dhacay oo idinkuba dadbaad xasuuqdeen!
  • Dawlad xun oo wadanka ka tallin jirtay oo Somali oo dhanba dhibaateysay ayaa dhibaatada idiin geysataye Somalidu dembi idinkama gallin!
  • Digniin: Haddii aad iska soo noqon weydaan waydun ka sheekeyn ee fursadaasu yey idin seegin!
  • Hadaad diidaan waxa diyaar ah talaabadii la idinka qaadi lahaa sida: AMISON oo la idinku soo dalabado oo cagta idin mariya, Cunaqabateyn la idinku soo rogo, deeq-bixiyayaasha oo joojiya in ay idinla macaamilaan, dekadaha iyo madaaradiino oo laga joojioyo shaqada iwm.
Waxyaabahaas iyo arrimo kale oo badan oo iskugu jira beerlaxawsi, hanjabaad iyo niyad jebin ayaa baryahan cadowgu wadwadaa qaar inaga mid ahiina u raxleeyaan oo u dhaga-nuglaadaan oo buunbuuniyaan. Niyad jabintaas waxa loo adeegsadaa shirarka baryahan dambe Somaliland ay la galaan Somalia oo isaguna runtii ka mid noqday adeeg dadka qaarkii ay soo qaataan kolka dadka la niyad jabinayo, matallan waxa ay yidhaahdaan : 'Waa taa madaxdii Somaliland baryootameysa si manaasiib loogu deeqo"
 
Gunaanad.

Xadiis Nabawi ah,  SCWS, ayaa inoo sheegaya in qofka mu'minka ah aan god laba jeer laga wada qaniinin. Maahmaani waa ta tidhaa, "Mar I dage Alla ha dago, mar labaadse i daga anaa is dagay"!

. Waxa dadka sheekadan cusub la yimid u sheegeynaa in Jumhuuriyadda Somaliland aanay ku dhaceyn godkii 1960kii ee laga qaniiney ee lagu cunney. Insh Alla.

. Somaliland ummad u duday mansab iyo sad-bursi aad heshid ma aha.

 . Somaliland ummad u haraadan xukun ay dad kale xukunto ma aha.

 . Somaliland xoriyadeeda ulamay soo noqon wadamo kale iyo xaq dad kale leeyihiin aad ku duushid oo soo dhacdid.

> La soo noqoshada xorriyadda J. Somaliland waa go'aan ummadeed oo cid gaar ahii aanay sidey doonto ka yeeli karrin.
> Waa go'aan ummadeed oo aan gorgortan laheyn.
> Waa go'aan aan cidna loogu habraneyn oo ah mid ay iyagu iskood u qaateen oo ay u codeeyeen sharcinimadiisa iyo ku dhaqankiisa.
> Xorriyadda Jumhuuriyadda Somaliland ma aha mid loo daba fadhiisanyo cida Xamar ka talisa ama aduunka intiisa kaleba.
> Xornimada Jumhuuriyadda Somaliland waa  mid dhiig loo soo shubay imikana diyaar loo yahay in la difaaco hadii la isku dayo in la dib loo soo gardaraysto boobkeeda.
> Xornimada Jumhuuriyadda Somaliland waa mid ku qotonta in mar dambe lagu sirrin mabda'ii Somaliweyn ee gabalkiisu dhacay. Wax kale oo la midowga Somalia ku qasbayaana ma jiraan.
> Xornimada Jumhuuriyadda Somaliland ma aha mid lagu khuukhiyo ictiraaf heli meysaan iyo waa la idin cunaqabateyn. iwm.
> Xornimada Jumhuuriyadda Somaliland waa masiir ummadeed, waa ku dhaqanka xaqqa, cadaaladda, iyo nabadda, oo ka mid ah anshaxa wanaagsan a uu Eebaheen, SWT, adoomihiisa faray
 
ALLAA MAHAD LEH
 
 
Cali Aw Xuseen Cumar

No comments: