- Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warbixiyey
nuxurka qodobadii ay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo Wasiirka Khaarajiga Britain ay ka wada hadleen, kaas oo sheegay inay isla
soo qaadeen labadaas masuul arimo door ah oo ay ka mid tahay Amniga, Siyaasada
iyo shirka bisha May la filayo inuu Magaaladda London uga furmo Somaliland iyo
Somalia.
Dr. Maxamed C/laahi waxa uu xusay inay dawladda Britain aad u
danaynayso in xukuumadda Somaliland door muuqda ka ciyaarto xasilinta amniga
mandaqada Geeska Afrika, kaas oo tilmaamay inuu kulankaas Madaxwayne Siilaanyo
iyo Xoghayaha Amuuraha Debadda Britain inuu ku dhamaaday is afgarasho. Waxaanu
Wasiir Maxamed Cabdilaahi sidaasi ku sheegay Waraysi uu shalay magaalada London
ku siiyey Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Ugu horayna isaga
oo ka hadlaya nuxurka kulanka Madaxwaynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Ingiriiska,
waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska sida laga warqabo waxa ka dhexeeya Somaliland
Xidhiidh aad u balaadhan oo dhinacyo badan ku salaysan, haday ahaan lahayd
siyaasada, dhaqaalaha, mucaawino leh iyo nabadgalyo-ba leh, markaa arimahaas oo
dhan iyo danaha labada dal ayey Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Khaarajiga
Britain ay kulankoodii shalay dib ugu wada eegeen”.
Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey
codsiyo ay dawlada Britain u gudbiyeen, waxa uu yidhi “Waxaanu dawladda
Ingiriiska ka codsanay inay kordhiyaan Mucaawinada ay dawladda Britain siiso
Somaliland, waxa kale oo aanu kala hadalnay arimo xaga ganacsiga iyo Maalgashigu
ku saabsan oo ay horeba dawladda Ingiriisku ay gacan uga siinaysay Somaliland.
Waxa kale oo aanu kala oo aanu kala hadalnay madaxda dawladda Britain arimaha
Nabadgalyada mandaqada iyo doorka ay Somaliland ciyaarto”.
Dr. Maxamed C/laahi
Cumar mar wax laga waydiiyey inay Waftiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha
Debadda Ingiriisku isla soo qaadeen shirka dhawaan la filayo inuu London uga
furmo Soomaalida, ayaa waxa uu Wasiirku ku jawaabay;
“Haa Wasiirka Khaarajiga
Britain wuu ka hadlay shirkaas la filayo inay dawladda Ingiriisku bisha May ee
sanadkan ku qabato Magaalada London, markaa dabcan Wasiirku shirkaas iyo arimaha
la xidhiidha wuu ka hadlay inkasta oo aan wali Ajandihiisa iyo ujeedada laga
damacsan yahay aan wali la wada dhamaystirin oo ay dabcan arintaasi tahay arin
qabyo ku ah dawladda Ingiriiska wuu ka hadlay Wasiirku, walina ma jirto cid lagu
casuumay haday Somaliland tahay iyo hadii ay dawlad kale tahayba, marka laga
yimaada dalwadda Somalia iyo dawladda shirka qabanaysa ee Britain ma jiro
cidkale oo lagu casuumay, iyada oo waliba aan filayno in dawladda 50 kor u
dhaafaya oo dunida ka kala socday inay ka qaybgalaan shirkaas, markaa sida uu
Wasiirku noo sheegay wakhtigeeda marka la gaadho ayaa casuumadaha ay u fidin
doonaan Ingiriiska dawladaha ay danaynayaan inay ka soo qaybgalaan”.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment