.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, March 11, 2013

Dawlad La’aan, Dawlad Xumaan, Dawlad Wanaag


- Bulshooyinka banii aadamka saddex dhaqan midkood ayaa la soo gudooboonaada: dawlad la’aan, dawlad xumaan, iyo dawlad wanaag. Saddexda dawlad la’aanta yaa ugu daran. Iyada ayaynu qoraalkan hore ku eegaynaa. Haddii ay bulsho dawlad la’aani ku habsato, waxay ku sugnaataa qas, dulmi, iyo dagaal. Nidaam, nabadgelyo, iyo horumarna ma hesho.
 
Haddii aynu reer Somaliland nahay, dhinaca qaska (fawda) ayay dawlad la’aantu inaga haysataa. Bulshadeenu inta badan waxa ay doonaan ayay sameeyaan. Nidaamka iyo tilmaamahan ma raacaan. Cidina inta badan ma tidhaa, “Waxa sameeya; waxaana ha samaynina.” Hadii ay nidaamka ilaalin waayaana cidi ma toosisa, cidna ma ciqaabto. Waxay ku jiraan xaalad ah: waxaad doonto same, xor baad tahye!

Tusaale ahaan, daku siduu u badan yahay xishiishka meeshii ay doanaan ayay ku daadiyaan. Wadooyinka ayay ku daadiyaan; dooxooyinka ayay ku daadiyaan, dhulka siisan ee aan dhisnay ayay ku daadiyaan. Sidaa darteed, magaalooyinkeenii iyo dalka guud ahaanba xashiish bac u badan ayaa qabsaday; foolxumo weyna u yeelay. Bal ogow oo dalka yar ee la yaidhaa Singapore, haddii qof, wax kale iska daayoo, xanjada galkeeda ku tuuro jidka . waa la qabtaa oo la khasiraa. Inaga oo nadaafaddu diin inoo tahayna xashiish, usagag, iyo foolxumo ayaa dalekeenii qabsaday.
 
Maxaa xaaladdaasi ina baday? Dawlad la’aan. Waxa kale oo dawlad la’aantu inaga haysataa xag socdaalka baabuurta iyo dadka, siiba magaalooyinka waaweyn. Wadadii oo yar ayaa waxa wada maraya baabuurtii, dadkii, dameerii, riyii, idii, lo’dii, iyo geelii. Shantii ishin ee xoolaha, faraskii uun baa ka maqan maqgaalooyinka. Waxana weheliya ey iyo daayeer!!! Bal la garay oo xoolaly ayaynu nahay, oo miyigii ayaynu magaaladii keenay, ee eyda iyo daayeerka, sidii Hinduuga inagu dhex tarmay, maxaynu u ogolaanay? Miyaynaan dad Muslima ahayn? Maxaynu u dhawranaynaa nijaastooda iyo cudurkooda? Dee waa dawlad la’aan!!! Baabuurtu siday doonto ayay u socotaa.
 
Sharciga socdaalka ma ilaaliyaan, askarta socdaalkana ma xaq dhowraan. Tusaale ahaan, basasku meeshay donaan ayay istaagan; siday isaga soconayaan ayay jidka gooyaan, cidhiidh iyo cabsina way abuuraan. Wadayaasha gaadiidka kalena siday donaan ayay u socdaan. Dadkuna jidka dhexiisa ayay maraan; baabuurtana kama baydhaan. Waa qaskii laftiisii! Maxaa qaskan joogtada ah ina baday? Dawlad la’aan. Miyaga dhirtii waa la dhameeyay; dhulkiina waa la xaalufiyay; ina badanna waa layska seertay. Haddii aad wado kasta oo dalka ah ka baxdo, waxad arkaysaa dhul la seeray oo killoomitiro ah, oo aan beerayn, dhirtii xooluhu daaqayeenna lagu ooday. Waa xero madhan iyo xaaluf!
 
Maxay sidaasi ku dhacday. Dawlad la’aan. Nadaafad ma hayno; nidaam ma hayno; niyad ma hayno; naruuro ma hayno. Maxaa halkaa ina dhigay? Dawlad la’aan. Somaliland caqli iyo curfi ayaa inta badan lagu kala baxaa. Xaaladeedu se waa, “Waxaad doonto same, ilayn xor baad tahee!!!” Taasina waa dawlad la’aan
 
Prof. Cabdisalaan Yaasiin

No comments: