.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, March 14, 2013

Djibouti oo Qabatay Doonyo Reer Somaliland Ah *Dhegta-maal

 
- Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegtay in doonyo maraya bada-cas oo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ahi ay ciidamada dalka Djibouti kaxayseen. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland mudane Cabdullaahi Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay inay doonyahaasi iskugu jireen kuwo ganacsi iyo kuwa ay wateen dad kalluumaysato ahi. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti uu arintaa xalinteeda hada ku gudo jiro.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka waramay 19 nin oo Kalluumsato Yemeniyiin ah oo ku soo xad gudbay badda Jamhuuriyada Somaliland, oo haatan ku xidhan magaalada Ceerigaabo.
 
*Dhegta-maal

No comments: