.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, March 28, 2013

Halgankii Ummada Iyo Koboca Dhaqaalaha Ee Jabuuti


Kaalintii Jaamac M. Xayd (AHUN)
 
''Qiimo Dhaca Lacagtu Waa Dhaqaale Burbur''. Jaamac Maxamuud Xayd (Djibouti Banker)
 
“Maalinbaa lagu yidhi Jaamac dadkan kuula imanaya dhibtooda kuma filnaan karaysid maalintoo dhan. La yaabka waydiinta waxaa wiiqay warcelinta kasoonidu ku ladhneyd ee uu Jaamac yidhi: “Noloshu maxay tahay hadaan loo hurin u shaqeynta kuwa kale?Markuu Ilaahay kuugu deeqo fursad aad ku xalin karto dhibaatadooda,waa inaad u hawlgashaa, waa la inoogu dhiibay.Ilaahay baa hawlgalkeena haga,inagguna kaalmeeya inaan ka midho dhalino … ” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef,dhaqaaleyahan, Wargeyska Ummada ee Djibouti

“Un jour, quelqu’un lui dit : “Djama, tu n’as pas assez de tous ces gens qui viennent t’importuner tous les jours, à longueur de journée ?”.
“Etonné par la question de son interlocuteur, d’un ton convaincu il lui répondit : « que vaut une vie, si elle n’est pas dédiée au service des autres ? Dés lors où Dieu vous a donné l’opportunité de résoudre certaines de leurs difficultés, il faut le faire ! Dans notre action, nous ne sommes que des intermédiaires (Sababe).C’est Dieu qui guide notre démarche et nous aide à obtenir le résultat”.  Mohamed Saïd Seif,ECONOMISTE
                                       ------ La Nation---
 
Bishan Maarso dhamaadkeeda ayaa dawlada  Jabuuti u dabaaldegaysaa barbardhaca ay la noqotay  dawlada boqortooyada Ingiriiska. Ilaalinta qiimaha lacagta ayaa  ah arin dhaqaalaha dal leeyahay qayb weyn ka qaadata.Sidaa darteed ayey Boqortooyada Ingiriisku noqtay dalka koowaad ee awood u helay inay qiimaha lacagtooda  meel kaliya ku sugaan muddo dhan afar iyo lixdan gu’.Dawlada Jabuuti ayaa himilada koowaad ee hawsha Bangiga Dhexe u hogaamisay sidii  loo suurogalin lahaa in  lacagta dalka Jabuuti laga ilaaliyo qiimo dhac.Bishan Maarso ayey ku guuleysatey dawlada Jabuuti inay ku faanto dhameystirka talaabadii koowaad oo barbardhac ka dhigtay dawladii calanka u sidatey xilkaa.Waxaana loo gudagalayaa in talaabada labaad la qaado siduu sheegay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd “Waaneynu jabin rikoodhkaa insha Allah”.
 
Mar uu Maxamuud Siciid Seef waydiiyey Jaamac  bisha Maarso 20,2013 iyo guusha la gaadhey ayaa Jaamac Maxamuud Xayd uu ku jawaabey : “Maalintan waxaan la barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhka aduunka dalka haysta.Waaneynu jabin doonaa rikoodhkaa insha Allah”.
 
Maalintan waxay ku beegan tahay  barbar-dhacii Frank-ka Djibouti oo la aasaasey bishii Maarso 20,1949.Rikoodhka aduunka ee deganaanshaha  lacagta ayaa waxaa muddo haystay giniga sterling ee Ingiriiska  oo deganaa  intii u dhaxeysay 1850 and 1914.
 
Jaamac Maxamuud Xayd(IHUN) ayaa kaalin weyn ka geystay,dadaal badana sameeyey inay arintani suurtogal noqoto.Waxaa mar kasta maankeena ku soo maaxaneysa  inaynu xusno  hormoodkii guusha intaa leeg suurtogaliyey,isagoo gacan  buuxdana ka helay maamulka dalka Jabuuti oo ugu horeeyo madaxweynaha Ismaaciil Cumar geelle.Jaamac Maxamuud Xayd (IHUN) ayaan Ilaahay u qorin inuu dabaaldegaa ummadda reer Jabuuti iyo ummadda ku hadasha Af-soomaliga kala qayb galo.
 
Geerida naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xayd ayaa qoraalkani u yahay xusid, una yahay hibeyn inta bulshada u hagar baxda ee xil qabata.Maaha ugub in mareegaha Farshaxan  ay u holadaan ka waranka taariikhda dadka  bulshda ka dhex muuqda waxna taray.Dhigaalkani waa mid hogotusaaleyn u noqonaya qof kasta oo xilka loo igmadey aan danihiisa gaarka ah uga faa’idaysan ee bulshada u diran.
 
Xornimadii Jabuuti ka hor, Maxamuud Xayd wuxuu ka mid ahaa  saraakiishii hormoodka ahaa  ee ciidamada Faransiiska.Wuxuu Maxamuud Xayd ahaa sarkaalkii ugu horeeyey ee   Dawlada Faransiisku  u dirtay dal aan dalkiisa aheyn.Maxamuud xayd waxaa loo magacaabey inuu noqdo hogaanka  maamulka(DG) ee  Jasiirada Madagaskar.Waxaa Maxamuud Xayd aad loogu yaqaaney inuu  qayb laxaad leh ka qaadan jiray waxtarka jabhadihii xoriyo-doonka Jabuuti oo  uu kaalin mug leh ka geystay.Waxaan la hilmaami doonin kaalmihii kala duwanaa ee uu ka qaatey  dhexgalka  ciidamada Faransiiska iyo shicibkii gadoodsanaa ee xoriyadooda doonayey.Dadka qaarkii waxay sheegaan inuu badbaadiyey dhiig badan oo daadan lahaa,iyo dil badan oo dhici lahaa.Ilaahay wuxuu ugu deeqay hanti ku dartay inuu maalqabeenada Jabuuti la jaanqaado.
 
Maxamuud Xayd wuxuu guursadey oo marwo u noqotay  Caasha Cawaale.Waxaa la dhashay Caasha Cawaale oo dalka Djibouti ku caan ah Xasan Cawaale,Ciise Cawaale, Muxumed Cawaale,Madiina Cawaale,iwm.Ilaahay wuxuu ku galadey labadaa waalid ee Maxamuud iyo Caasha caruur kala ah Maxamed,Shafiiqa, Khadra,Almis, iyo Jaamac. Ilaahay ha u naxariisto Maxamuud iyo Caashaba.Waxaa kaloo u dhaxdey Maxamuud  xaas labaad oo ah Shamis Maxamuud. Shamis waxay Maxamuud Xayd u dhashey labada wiil ee Cabdiraxmaan iyo Hagar. Shamisna way nooshahay maanta,degan tahayna magaalada Djibouti.
 
Maxamuud maadaama uu ahaa aabo wax bartey wuxu ku dadaaley in caruurtiisu dhamaan wax bartaan. Almis wuxuu bartey cilmiga hawada sare iyo dayuuradaha(Civil Aviation), waxaanu ka gaadhey ilaa uu noqdo hormoodka  hay’adaa. Maxamed wuxuu bartey cilmiga socdaalka(Transportation),gaadheyna inuu noqday  hogaanka sare ee shirkada tareenada Djibouti.Shafiiqa waxay takhasuskeeda ku qaadatey aqoonta waxbarashada (Education),ilaa ay gaadhey muddo badana aheyd maamulaha dugsiga sare ee Djibouti, waxaaney u dhaxdey  Axmed Ismaaciil Bookh oo xoriyada  ka hor iyo ka dibba ahaa gudoomiyaha hay’ada socdaalka Djibouti,iminkana hawlgab ahaan u fadhiya. Khadra oo aynu in badan si gaar ah uga warami doono ayaa ka mid ah caruurta  labada waalid. Khadra iminka waa marwada koowaad ee dalka Djibouti,ahna xaaska  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.  
 
Waxaa xusid mudan inay Shafiiqa iyo Khadra ka mid ahaayeen hablihii ugu horeeyey ee la geeyo dugsi.Aragtida xilligaa laga qabey hablaha dugsiyada tagaa aad ayey u qalafsaneyd una foolxumeyd.Maxamuud Xayd wuxuu yeeshay dhiiranaanta uu hablihiisa ku geeyo dugsi,isagoo og in bulshadu ku dhaliili doonto arintaa.Aqoontiisa ayaa u saamaxdey inuu  dhiiranaan iyo geesinimo u yeesho dugsi geynta habilihiisa.
 
Jaamac Maxamuud Xayd  wuxuu ku dhashay  magaalada Djibouti xilli ku beegnayd 28 August 1953. Waxbarashadiisa hoose ilaa dugsiga sare wuxuu ku qaatey dalka gudihiisa. Dalka Faransiiska ayuu ka bilaabey waxbarashadiisii Jaamicadeed ee heerka koowaad, isagoo  sii watey waxbarashadiisa ilaa uu shahaadada sare ee labaad(maîtrise –master ) gacanta ku dhigay. Wuxuu Jaamac ku qaatey cilmiga dhaqaalaha iyo qorshaynta (Développement économique et en Planification ----Economic Development and Planning--). Hase yeeshee dalka Senegal ayuu waxbarasho danbe Jaamac dib ugu noqday si uu takhasus dheeraada uga soo korodhsado isla aqoonta  horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaynta.Waxaanu  Diploma ka soo qaatey machadka Afrika ee horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaynta(IDEP) oo ku yaala badhtamaha magaalada Dhakaar(Dakar).
 
Machadkaa waxaa  aasaasey Jimciyada quruumaha ka dhexaysa si wadamada Afrikaanka ah ee xoroobaa u helaan aqoon ay ku kobciyaan dhaqaalahaooda.Waxaana la aasaasey 1962.Waxaa xubin buuxda ka ah  machadkaa  ilaa 53 dal.Macalimiinta uu nasiibka u helay Jaamac inuu wax ka barto waxaa ka mid ahaa Professor Samiir Amiin oo ah agaasimaha guud  ee Third World Forum Dakar, Senegal and sidoo kalena ah qoraaga  waraaqaha bilaha ah ee  The Liberal Virus, The World We Wish to See, and The Law of Worldwide Value.
 
Qoomiyada Soomaaliyeed  aad ayey u yaqaanaan  aqoonyahan Samiir.Sooyaalkoogana waxaa ku sugan in 1975  dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray lagu qabtay dood aqooneed lagaga hadlayey sida dunida saddexaad dhaqaalaheeda u tamarin karto,reer Galbeedkana loola  jaanqaadi lahaa.Waxaa doodaa ka qayb galayey Samiir Amiin oo Masri ah, barre sarena  ka ahaa Jaamicada IDEP ee ku taala dalka Senegal,waxaa la doodayey aqoonyahan sare Mujaahid Ibraahim  Maygaag Samater oo ahaa wasiirka Qorshaynta. Samiir wuxuu ku doodayey in wadamada  horumaray ay adoonsigoodii ku sii wadaan dunida saddexaad, waxaanu sal uga dhigay  aragtida Center iyo Periphery xalna uu uga dhigay in laga takoormo suuqa qoladaa reer galbeedka (Disengagement from  Capitalism Market). Wuxuu ku tilmaamay inay  dunida horumartay tahay “Center”,ay dunida saddexaadna tahay “Periphery”.
 
Waxay labada aqoonyahan isku afgarteen in habdhaqankaasi jiro dhabna yahay,hase yeeshee waxay ku kala tageen xal u raadinta uurkutaalada meesha taala. Samiir wuxuu ku doodayey inaan  waxna laga iibin, waxna laga iibsan ee laga go’o reer galbeedka.Waxaa arintaa si cad uga soo horjeeday  aqoonyahan Ibraahin Maygaag Samater(IHUN) oo ku doodayey si xidhiidhkeenuna u jiro,halkay  iyaguun faa’iidi lahaayeena loo wada faa’iido hala samaysto iskaashato sida OPEC oo kale  oo tusaale ahaan wadamada Bunka iibgeeyaa ha samaystaan urur,qaab urur ahaana ha ku  suuqgeeyaan waxay iibinayaan. Waxaa dadkii goobta joogay sacab iyo damaashaad lagu  soo dhaweeyey xalkii (Solution) uu Ibraahim Maygaag(IHUN) soo jeediyey,Samiirna aad ugu  farxay sida quruxda badan ee uu Ibraahim  Maygaag u balbalaadhiyey una soo bandhigay  xal u raadinta hagardaamada dunida saddexaad ee xagga dhaqaalaha ka haysata.Waxaanse marna maanka  dadka ku dhaqan qaarada Afrika ka baxeyn heerka halgameed ee uu ka qayb qaatey aqoonyahan Prof. Samiir.Dadka aad ugu magaca dheerna wali wuu ka mid yahay qaarada Afrika marka laga hadlayo dhinaca dhaqaalaha iyo waxbarashada.
 
“Xornimada waynu qaadan doonaayee, waxbarashada ha lagu dadaalo,iyadaa lagu kala bixi doonaayee” Jaamac (IHUN)
 
Xilli ku beegnayd 1984 ayuu Jaamac Maxamuud Xayd ku soo noqday dalka Jabuuti. Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu shaqadiisii ugu horeysay ka qabtey xafiiska  horumarinta  ee PNUD( Programme des Nations Unies pour le Développement). Afka Ingiriisiga ururkani wuxuu ku noqonayaa UNDP. Ururkani wuxuu wadamada soo koraya ka kaalmeeya maamul wanaaga iyo la dagaalanka  baahida(faqiirnimada).Xafiisku waa qayb ka mid  qaramada midoobay, hase yeeshee  xidhiidh toos ah la leh  wasaarada arimaha gudaha.Wuxuu ka hawlgalaa saddex waaxood oo kala ah :

1-Waaxda Horumarka hoose   (Développement local – Local Developement-)
 
2- Waaxda  Baahida aasaaska ee bulshada (Services sociaux de base – Basic social services)
 
3-Waaxda Maamulka Dawladnimo  iyo wax-wada qabsiga (Gouvernance et partenariat -Governance and partnership)
 
Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu ka hawlgalay  dhamaan waaxahaa,kana noqday  maamulka sare ee hay’adaa. Waxyaalaha aad loogu xasuusto  Jaamac waxaa ka mid ah siduu ugu heelanaa uguna hawlgali jiray hawlaha ay qabato hay’adaasi. Dalka Jabuuti oo  xilliyadaa qaatey xoriyada ayaa laga dareemayey dhibaato dhaqaale oo baahsan. Jaamac Maxamuud Xayd  ayaa dadaal  badan ka muujiyey wax ka qabashada arimo badan oo ay ka mid yihiin :   
 
·     Dabargoynta Baahida (Réduction de la pauvreté -Poverty reduction) .
 
·   Kobcinta Dhaqaalaha Bulshada (Développement de Social Economic – Development of Social Economic).
 
Intii uu joogay hay’adaana kaalin mug leh ayuu Jaamac ka geystay ka hawlgalinta labadaa arimood een kor ku xusnay.Hay’adaha qaramada midoobay ee ka hawlgala dalka Jabuuti waxay kala yihiin PNUD, PAM,UNICEF, HCR, FAO, FNUAP, OMS, ONUSIDA, UNESCO, IOM iyo FMI.Jaamac xidhiidh toos ah ama dadban ayuu la yeeshay dhamaan hay’adahaa.Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu hay’adaa ka shaqeeyey muddo dhan ilaa  sideed gu’.
 
Xilli ku beegnayd 1994 siiba bishii Noofember  ayaa loo magacaabey Jaamac Maxamuud Xayd inuu noqdo gudoomiyaha bangiga dhexe ee Djibouti.Jaamac markiiba  wuxuu bilaabey sidii ay qiimaha lacagta Jabuuti loo ilaalin alahaa.Qiimo dhaca ku yimaada lacagtu  wuxuu sababaa baaxaa-deg ku yimaada dhaqaalaha dalka,lacagta  oon qiimo-dhicina waxay kaalin fiican ka qaadataa koboca dhaqaale.Waxay tahay arin lagu xasuusan doono Jaamac siduu iskaga xil saarey inaanu qiimo dhac ku iman  lacagta -Frank-ka Djibouti –  ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef  oo ah dhaqaaleyahan ay in badan aqoon isku lahaayeen marxuumka
 
Maxamed Siciid oo si wata hadalkiisa ayaa yidhi : Isagoo ku hawlgalaya ogolaanshaha  madaxweynaha iyo awoodsiintiisa, wuxuu Jaamac qaadey talaabooyin iyo hawlgalo kobcin iyo dibu-habeynba ku sameeyey dhaqaalaha Djibuuti.Waxaa tusaalayaal loo soo qaataa  arimo badan oo uu Jaamac kaalin mug leh ka geystay siiba koboca dhaqaalaha ee dabaqada dhexe.Waxaana ka mid ah sida dad badan oo  saaxiibkii Maxamed Siciid ka mid yahay bulshda la wadaageen:
 
-Tirada bangiyada dalka :
 
Tirada bangiyada laga furay  dalka Jabuuti ayaa kordhay. Korodhka sidaasi ah wuxuu kaalin weyn ka qaatey koboca dhaqaale ee ku yimid dalka Jabuuti.Ilaa 2006dii waxaa dalka Jabuuti laga furay  sagaal Bangi oo suurtogaliyey  shaqo-abuurid toos ah iyo mid dadbanba.Waxaanu tartanka ka dhexeeya  bangiyadani  keenay hoos u dhac ku yimaada  dulsaarka amaahda.Waa dhaqaale korodh  kaalmeeyey bulshada dabaqada dhexe oo ku dhaqaaqdey dhismayaal iyo baayacmushtari.Waxay aheyd inaad haysato ilaa boqol kun oo Faran  si aad uga furato  sanduuq dhaqaale bangiyadan,maanta afartan kun baa kugu filan. Jaamac wuxuu ahaa farsamo-yaqaan danyarta  ka soo qayb galiyey koboca dhaqaalaha” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef.
 
-Awooda Lacagta Djibouti :
 
 Xilli ku beegnayd 1949 ayaa  Frank-ka Jabuuti la sugay qiimihiisa.Markii loo dhiibay gudoomiyanimada bangiga dhexe  Jaamac,Wuxuu  ku dadaaley inuu xoogeeyo lacagta Djibouti, kana ilaaliyo qiimo-dhac ku yimaada.Wuxuu ogaa  qiima-dhaca lacagtu inuu keenayo burbur dhaqaale oo dad iyo dalba ah . Dalka Jabuuti wuxuu bishan Maarso barbardhac la noqday dalka Ingiriiska oo lacagtiisa muddo dheer( 1850 – 1914) ka ilaaliyey  qiimo dhaca. Waxaa Frank-ka Djibouti  la aasaasey bishii Maarso 20,1949 Rikoodhka aduunka ee deganaansha  lacagta giniga sterling ee Ingiriiska ayaa  Rikoodhka haysta oo deganaa  intii u dhaxeysay 1850 and 1914. Mar uu Maxamed Siciid Seef  ka wareystay  Jaamac  bisha Maarso 20,2013 iyo arinkeega  oo  ku beegan barbar-dhacii Frank-ka Djibouti. Jaamac wuxuu ku jawaabey : “Maalintan waxaan barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhkaa uu giniga Sterling-ku haysto.Waaneynu jabin rikoodhkaa insha Allah”.
 
- Horumarinta Dhaqaalaha  dabaqada dhexe :
 
Horumarinta Dhaqaalaha  dabaqada dhexe oo lafdhabar u ah koboca dhaqaale ee bulsho iyo isku dheelitirka  ummada.Wuxuu in badan Jaamac Maxamuud xayd  ku dadaaley in dhaqaaluhu galo gacanta dabaqadaa oo dan-yar badan soo kicisay.Waxaaney keentay shaqo-abuur dadban iyo mid toos ahba.Dabaqadan ayaa ah ta suurtogalisa inuu dhaqaalaha dalku horumar muuqda sameeyo.Dabqada sare  maalgalinta ayey qayb ka qaadan kartaa,hase yeeshee dabaqadani waxay qayb laxaad leh ka qaadataa  inuu dhaqaaluhu meerto noqdo oo dabaqada sarena ku guuleysato maalgalintoodii,dabaqada hoosena helaan  gabasho iyo gacan-qabad ka nabadgaliyo inay dhulka galaan dhaqaale ahaan.

Halgankii Dalka:
 
Xilli ku beegnayd  horaantii lixdameeyihii ayaa dardar  hor leh loo galay  raadinta xornimada dalka Jabuuti Waxaa xilligan kaalmo iyo gacanqabadka laga filayey  labadii dal ee isku darsamey Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaase wiiqay  filashadaa maamulkii  xilligaa oo  shanta Soomaaliyeed oo isku darsataba aan   qorshaha ugu jirin.Waana ta keentay inay Soomaliland dib u bilawdo xilliyada la soo noqoshada xoriyadeedii kuna hageysay  inqilaabkii milatari ee aan guuleysan.Dawlada Jabuuti inay iskeed isku taagto oo aaney ku darsamin labadii( Soomaaliland iyo Soomaliya) ayey u halgameysay. Waxaaney ka dheegteen falalkaa foolxumada ee ka soo baxay labadii shanta u halgami lahaa.Waxaa maamulkii xornimo-doonka  ee Jabuuti  hogaan u aheyd weedha “Isha Cali ka lulata eeg”.
 
Waxaa sameysmay ururo  dhawr ah oo  danta guud iyo halganka xoriyadoonka ka midaysnaa.Dhinaca haweenka  waxaa jiray ururo gaar u ahaa,waxaase  aad loo yaqaaney ururkii “Progress”.Sidoo kale ayaa  dhinaca   raggana jireen ururo kale. Waxaa  kaloo jiray ururo  ku salaysan fanka,adeegsadana  ruwaayadaha si ay dadka u kiciyaan una hagaan.Waxaa kaloo jiray ururo dhalinyaro ah.Jaamac  Maxamuud Xayd  wuxuu xubin firfircoon ka noqday ururki dhalinyarada ee la odhan jiray “l'union de la jeunesse”-Union of the Youth-.
 
Ururkaasi wuxuu kaalin fiican ka qaatey inuu  muujiyo kaalinta ay ardeydu ka qaadan karaan halganka.Waxaanu sidoo kale soo bandhigay dareenka ay ardeydu ka qabeen  xornimada loo wada halgamayo..Waxaa xubnihii ururkaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cali Faarax,Haybe Cabdilaahi, Yaasiin dheere, Cismaan Shaahi,Axmed Sandoon, Carab Sandoon,Cumar Xasan Kidaare,Cabdi Istuul,Yuusuf Quule,Maxamed Aadan,Cumar Faarax Geerdoon,Kulmiye, iwm ..(Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatey, inta noolna Ilaahay caafimaad qabna ha siiyo iyo cibaado wanaagsana ha waafajiyo).
 
Jaamac wuxuu gurrsadey Khadra Daahir.Muddo ayey isqabeen, si wanaagsan ayey u kala tageen oo walaalnimo ku dheehan tahay.caruurna iskumay yeelan.Muddo ka dib ayuu Jaamac guursadey Shugri Cumar oo una siiraacdey  dhakhtarkii Nayroobi ee loo qaadey.Waxay isku leeyihiin saddex caruur ah.
 
Fan Jaceyl:
 
Kooxaha fanka ee afafka Soomaliga iyo Canfarta ayaa xidhiidh dhaw la lahaa Jaamac Maxamuud Xayd.Markaad aqoonta Jaamac ee  dhaqaalaha iyo fan jaceylkiisa eegtana waa laba kala fog siday isugu yimaadaan. “Alle ha u naxariistii Jaamac Maxamuud Xayd saaxiib ayaanu ahayn oo waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo raganimadiisa iyo waxtarkiisa aan la malayn karin, waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada nooc walba oo ay tahay u jajaban oo haddii Ilaahay ka dhigo gacan leh”ayuu yidhi abwaan Maxamed Ibraahin Warsame”Hadraawi”.Sidoo kale ayey tidhi fanaanada Khadra Daahir oo ku hadleysay magaceega iyo magaca hoboladu “Jamaac,nin taariikh dheer  ku leh ummadda buu ahaa, saaxiibkayo buu ahaa”. Waxaa talaabadaa mid la mid ah  ku raacey  abwaan  Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan ganay”.Wuxuu  abwaan Xasan muujiyey siduu uga xun yahay geeridaa naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud  Xayd iyo waxaanu sheegay inuu  ahaa  nin dhaqan toosan iyo dadnimaba lahaa.
 
Labada , Khadra Daahir  iyo Xasan Ganay waxay dareenkoogaa si balbalaadhan ugu muujiyeen maansooyin ay u hibeeyeen marxuumka.Waydiintu waxay ka imaneysaa fan jaceylka Jaamac ma mid qoto dheer baa mise mar danbe ayuu ku abuurmay?.
 
Dhamaadkii lixdameedyadii fanka wuxuu ahaa wax laga fogaado.Hase yeeshee aabihii oo aqoonyahan ahaa ayaa surrtogalisay inuu taageero ka sokow u iibiyo qalabkii ugu horeysay ee ay  isticmaalaan Jaamac iyo walaalkii Almis.Hooyadiina waxay aheyd  maanso yahan aad loogu yaqaaney curinta buraanburka iyo jiiftada.Waxaa intaa u dheeraa afarleyda oo ay  u laheyd  karti dheeraad ah.
 
Jaamac markuu yaraa ayuu aad u jeclaa fanka.Koox faneed ayaa xilliyadii halganka dalka ka jiray.Jaamac wuxuu ku jiray markii uu ardeyga dugsiga sare ahaa kooxda fanka. Waxaa xubnihii kale ee  ku jiray ka mid ahaa walaalkii Almis, Cabdi-Qaadir Daaco, Bashiir Cilmi, Cumar Faarax Geerdoon, Cabdiraxmaan Maax,iwm.Kooxdaa waxaa la odhan jiray Filsan band. Dalka Djibouti caan bey ka aheyd kooxdaasi.Waxaaney kooxdaasi   jirtay  ilaa  lix gu’ ku dhawaad(1963-1968).Jaceylkaa uu u qabo horumarinta afka ayaa ku dhiirgaliyey inuu xubin firfircoon ka noqdo abaabulkii iyo hanaan-socodkii   ururada  Somali-Pen iyo Afar-Pen.
 
Tilmaamo
 
Tilmaamaha gaarka ah ee loo suntay  Jaamac Maxamuud Xayd waxaa ka mid ah  raganimo, hal-adayg, dad-aqoon, nin u roon dadka,deeqsi,dad Jaceyl, aad u kaftan badan,isla-weyni ka madhan tahay.Markaad tilmaamahaa dib u jaleecdo waxaa kuu muuqanaya  shaqsiyada dhabta ah ee Jaamac Maxamuud Xayd.Tilmaamahani waxay taageerayaan aragtida wanaagsan ee bulshada uu ka dhashay ay ka haysteen, dhamaantoodna uu u ahaa mid ay jaceyl u hayaan,kana xumaadeen geerida ku timid.
 
Geeridiid Jaamac Maxamuud Xayd
 
Maalintii isniintii(Janaayo 7, 2013) ayaa xanuunka Jaamac loo gartey mid aan dalka Jabuuti waxba laga qaban karin.Go’aan ayaa lagu gaadhey in loo qaado dhinaca dalka Kiiniya.Dhakhtarka Agha Khan ee nairobi ku yaala la dhigay maalintii Salaasada.Waxaa la ogaadey in dhiig ku furmay,uuna u baahan yahay qalniin.Waa lagu guuleystay qalniinkii oo si wanaagsan ayuu u dhacey.Hase yeeshee wali ka soo rayn loo hanqaltaago lama arag.Maalintii Jimcihii (Janaayo 11, 2013) ayey Jaamac Maxamed Xayd naftu ka baxdey. Ilaahay ha ugu deeqo adoonkiisaa Jaamac Maxamuud Xayd Jannatu Fardaws.Ilaahayna samir iyo iimaan ha ka siiyo bulshada ku hadasha Af-ASoomaaliga.
 
Xasuus
 
"La disparition de feu Djama Mahamoud Haid est une immense perte pour notre pays, privé subitement d’un de ses plus grands serviteurs de l’Etat", a dit le chef de l’Etat avant de louer le précieux concours que le défunt Gouverneur de la Banque centrale apportait au « projet d’évolution de notre pays en une place commerciale et financière de renommée internationale".
" Il restera à jamais gravé dans la mémoire collective des Djiboutiens qui garderont de lui l’image d’un compatriote sur lequel on pouvait compter dans toute épreuve",
Que Dieu l’accueille dans son éternel paradis. Amin.
                   Message du Président de la République de Djibouti,
                         Son Excellence M. Ismail Omar Guelleh
                                               La Nation
 

Qoraalkan oo intan ka faahfaahsan iyo kana mug weyn ayaan bulshada ku reer Soomaliland iyo reer jabuuti la wadagi doonaa insha Allah.Qoraalkani waxaanu ku xusaynaa  doorkii uu ka qaatey  guusha dhawaan ay u dabaal-degayaan bulshada reer Jabuuti.Guushaasi waa inay karti iyo raganimo u yeesheen inay  ka dhawraan qiimo-dhac ku yimaada lacagta  dalka Jabuuti ee Frank-ka ah….
 
 
Qalinkii iyo tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda mareegaha
www.Farshaxan.com iyo www.Farshaxan.org
 
-Tixraac

-Kaydka mareegaha Farshaxan
-Mareegaha Soomaliland iyo Jabuuti 
sida Oodweynenews,Gabileynews, Hadhwanaagnews,Togaherer,iwm
-TV-ada Soomaliland iyo Jabuuti   sida SLNTV,HCTV,RTD,iwm

No comments: