.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, March 28, 2013

Halgankii Ummada Iyo Hankii Maxamed Cali (Maxamad-Cali)


''Nimankii intay dhiidhiyeen wada dhalaalayey
Nimankii naftoodii dhigayee dhiigu qubanayey
Nimankii dhirta intay cunaan quud ka dhiganaayey
Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalnadhoolaayey
Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda''
~~~~
''Maatida ragii soo cesheen ciil ku dhimanaynin
Calankeena nimankii mar kale cadaw ka soo qaadey
Ciideena nimankii xasladayee ina xoreynayey
Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalnadhoolaayey
Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda ''
(Abwaanada Qadan  Cabdi Axmed)

 “Galabta ayaan arin muhiim ah  inaynu ka wada hadalno doonayaa insha Allah, fulinteedana adiga ayaa  u xilsaarnaan doona. Laba nin oo kale oo aanan kuu sheegayn iminka  ayaa i soo raacaya  ee waanu kuu imanaynaa insha Allah” erayadaa ayaa dhagaha  mujaahid Axmed Galaas Jaamac ku soo dhacey isagoo dhex fadhiya xafiiskiisa ku yaalay xeradii Ganad ee qaxootiga laga maamulayey. Dhan uu u qaado ayuu garan waayey, muddo erayo dhagihiisa ku soo noqnoqonayey ayey ahaayeen.Tolloow labadaa nin waa kuwaba, arintu se maxay tahay!!!.Xilligan  hawlaha halganka ee loogu jiray aad bay u ahaayeen qarsoodi.Nin waliba waa is dhawri jiray,hawsha halgankana waxba kamuu hakran jirin.
 
Axmed Galaas ayaa gurigii ay balantu aheyd  uu u socdaaley si uu martida  ugu soo dhaweeyo  si milgo iyo maamuus leh. Waxaa kaalin weyn ka qaatey  soo dhaweyntan kuna taageerayAxmed saaxiibkii  Daahir Ismaaciil Xaaji Aadan oo gurigiisa goglay. Waxaa xusid mudan inaan hawsha halganka ee qarsoon loo kala hadhin,qofba in uu ka geystaba.Dhibta kaga imaneysa iyadoo qof kastaa  garan karo ayaa loo badheedhayey ka qayb galka.
 
 Xilli ku beegnayd  1981  ayaa  xafiiska laga maamuli jiray  qaxootigii Soomali Galbeed waxaa yimid Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed(IHUN). Socdaalka uu xafiiskan ku yimid dan gaar may aheyn ee dan guud ayey aheyd.Waxaa  damqay dhibta iyo hagardaamada lagu hayo bulshada  uu  hogaamiyaha u ahaa.Waxaa la qabanqaabinayey sidii raashin joogto ah loogu heli lahaa jabhad aasaaskeedu  si dadaban u bilaabmey. Jabhadaa waxaa loogu wanqalay Afraad. Waxaa xilligan sidoo kale  bilaabmey jabhadaha  Horyaal iyo Ciiltire. Saddexdan Jabhadood ayaa  isku kaalmeysanayey  inay iska caabiyaan  dhibta,dhaca, boobka, dilka, iyo hagardaamada joogtada ah  ee bulshada degaanka iminka ah reer Soomaaliland kala kulmayeen  jabhadii Soomaali Galbeed oo dawladii  Siyaad Barre (Afweyne) si gefsan u adeegsaneysay.
 
 Goorsheegtu xilli ay  cagacageynaysay  2:00 duhurnimo oo ay balantu ku beegnayd ayaa waxaa gurigii balanta soo galay Suldaan Cabdiraxmaan iyo labadii nin oo la socda. Waxaa madasha  sii goglay oo  marti loo ahaa  Daahir Ismaaciil X.Aadan. Markii la fadhiistay ee la nastey ayaa  Suldaan Cabdiraxmaan hadalkii qabsadey kuna bilaabey “Labadan nin waxay kala yihiin Maxamed Cali iyo Maxamed Xaashi Lixle,hawsha aanu u soconaana waa ciidamadii Afraad ayaa waxay fadhiyaan meel u dhaw Alleybadey oo wali may talaabin.Maxamed Cali ayaa iminka tababara.Warqad ayaan Sheekh Biliso ka soo qoraynaa in ciidamadu bateen, isagana raashinka loo kordhiyo, adigu ogoloow oo raashinkaa dheeraadka ah annagaa u qaadeyna Afraad, magaca Sheekh  Bilisana way ku soo baxaysaa...”.
 
Arintii ayaa la falanqeeyey layslana meel dhigay sida ugu quruxda badan ee ay ku suurtoobeyso laguna hirgalinayo iyadoo  maamulkii   Dawladii Siyaad Barre(Afweyne) dareemin, Sheekh Bilisana raashinkaa tabin.
 
 “Labadaa  nin mid wuu casaa oo wuxuu ahaa Maxamed Cali, ka kalena waxaa ka muuqdey muuqaal reer miyi safar dheer soo galay,macamusna wuu xidhnaa ..wuxuuna ahaa Maxamed Xaashi lixle.....” ayuu yidhi  Axmed Galaas Jaamac oo bahda mareegta Farshaxan uga waramayey  fadhigaas iyo labad nin kuway ahaayeen.
 
Ilaahay ha u naxariisto  dhamaantood Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed, Maxamed Xaashi Lixle, iyo Maxamed Cali.Halgankii ay galeen wuu midho dhaliyey oo  guul iyo barwaaqo ayaa lagu hayaa Soomaaliland.Noloshu marba heer bay taagan tahay,tu ka fiican in mar walba la raadiyana waa hamiga dadka.Bahda mareegaha Farshaxan  ayaa  lagu yaqaan inay qoraal ku xusaan  hormoodka bulshada Soomaaliland,siiba maalmaha mudan ee ay ka mid tahay  Abril 6 oo ku beegan maalintii  kor loogu dhawaaqey   ururka SNM ee  xornimada Soomaliland  qayb laxaad leh ka qaatey  (Abril 6,1981). Sidaa darteed ayaa doorkan mareegaha Farshaxan soo bandhigayaan taariikh halgameedkii mujaahid Maxamed Cali((IHUN).
 
Magca Maxamad Cali
 
Inta aynaan guda galin dhumucda Qoraalka  iyo  sooyaal halgameedka uu xambarsan yahay,waxaa mudan inaynu isla garano magaca Maxamed Cali  yaa la yidhaa? Waydiintan ayaanu u ban dhignay dad fara badan oo aqoon dheeraad ah u leh, hase yeeshee waxaa ku adkaatey inay warcelin  ka bixiyaan.
 
Maxamed Cali uun baa la odhan jiray ilaa intaan aqaaney!. Waligay xataa maan maqal iyadoo loo dhaafinayo Maxamed Cali!!. Inuu hal magac isku yahay iyo in kale xataa garan maayo!!. Malaha Caligu waa  naaneys ee Maxamed ayaa la odhan jiray, magaca aabihiise waligay maan raadin!!.. Sidaasuu ku caanomaaley oo xilligii jabhadii loogu yeedhi jiray, sidaasaanan ku bartey!!.. Jabhaddii Afraad hogaan buu noo ahaa oo  taliye Maxamed Cali ayaa la noo barey, waqti wax kale la is waydiiyana isumaan helin, xataa  waxaan bari danbe maqley inaanu marna ciidamada ka mid noqon!!..  Dadka kale  darajada ciidan eey  lahaayeen baaba loo raacin jirayee, isaga Maxamed Cali  oo qayaxan uun baan u aqaaney!!..  Wuxuu  ahaa magac  u ku meel marayey. waxaaban anigu u aqaaney inuu yahay M. Cali  (em cali), iwm
 
Warcelimahaa kor ku xusan iyo qaar kale ayaanu helnay markaanu waydiinta ku saabsan magaca Maxamed Cali dadka la wadaagney.Hase yeeshee bahda Mareegaha farshaxan way u kuur gashey inay soo xaqiijiyaan magacii aabihii iyo hooyadii u bixiyeen, iyo inuu yahay Maxamed Cali & in kale........................................................................
 
Aasaaskii SNM
 
Muddo ku dhaw ilaa tobaneeyo gu’ ayaa  laga shaqeynayey in ay suurtogal noqoto maalin  si badheedh ah loo furan karo urur mucaarid ah oo ka shaqeeyo boqno-goynta dawladii Afweyne iyo  u hiilinta dadweynaha reer Soomaliland oo isku duuban. guddo iyo dibadba  ka idho dhalinta hawshaa looma yareysan,hase  yeeshee kooxda dibada ayey u fudueyd inay  ku dhawaaqista xilkeeda qaataan.Hawl kasta oo la galo iyo  dhibaato kasta oo la soo maraba, bishii Abril 6,1981  ayaa  ururka SNM  lagaga dhawaaqey cariga Ingiriiska siiba magaalada London.
 
Wargelin:  Qoraakani waa hordhicii   taariikh Halgameedkii mujaahid Maxamed Cali(IHUN) .. Qoraalka oo dhameystiran wuxuu soo bixi doonaa  horaanta bisha Abril oo loo dabaal-degayo aasaaskii ururka SNM .........................
 
''Warbixin dheeraad hadaad hayso ama wixii talo iyo tusaale ahba nagala soo xidhiidh;
 

No comments: