.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 2, 2013

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Hadlay Doorashadii Baarlamaanka Ee Dhawaan Ka Dhacday Dalka Djibouti- *Dhegta-maal

 
- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa difaacay natiijada doorashada baarlamaanka ee dhowaan ka dhacday dalka Jabuuti oo kuraasta badankeeda ay heleen isbahaysiga talada haya ee UMP. Waraysi khaas ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in doorashadu u dhacday si sax ah waxana uu beeniyey eedaha ka soo yeedhay dhinaca mucaaradka ah ee ah in lagu shubtay.

Madaxweyne Ismaacuul Cumar Geelle ayaa sheegay in labada isbahaysi ee mucaaradka ah heleen 10 kursi oo ka mid ah 65ka kursi ee baarlamaanku ka koban yahay. Waxa uu sheegay inuusan waxba ka qabin in mucaaradku ay ka qaybqaataan dawladdiisa sida uu hadalka u dhigay haddii ay la yimaadaan “niyad wanaag”.
 
*Dhegta maal

No comments: