.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 5, 2013

Kooxda Khaatumo-seeg Oo Heshiis Iskaashi Ah La Gashay Al-shabaab!

 
- Hor-joogayaasha kooxda Khaatumo Seeg ee colaadaha ka wada deegaanka Taleex ee gobolka Sool ayaa la sheegay in todobaadkii hore dabayaaqadiisii heshiis iskaashi ku dhexmaray kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuralayda Galgala tuulada Baraagaha Qool oo ka mid ah deegaanada Taleex ee fadhiisinka u ah Khaatumo.
 
Ilo wareedyo ku sugan deegaanada Sool ayaa sheegay in hor joogayaasha kooxda Khaatumo seeg oo dalabka heshiiskaasi dhinacooda ka yimid ay kooxda Al-shabaab ka codsadeen in dagaalada ay kaga soo horjeedaan Somaliland ay taageero ka siiyaan si ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanada gobolka Sool iskaga caabiyaan.

Sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku sugan deegaanka Taleex ayaa sheegay in todobaadkii hore xubno ka tirsan kooxda Khaatumo oo kulano qarsoodiya ku yeeshay degmada Taleex ay heshiis ku wada gaadheen la dagaalanka ciidamada qaranka Somaliland, kuwaas oo tibaaxuhu intaa ku dareen in qabqabyalaasha Khaatumo seeg ay ururka Al-shabaab u ogolaadeen inay soo dagaan deegaanadaasi, gaar ahaan deegaanka Taleex ee xarunta u ah.
 
Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Sool ayaa weeraradii maleeshiyada Khaatumo seeg ay ku soo qaadeen deegaanka Xudun dhirbaaxo kulul iyo jab balaadhan ugu gaystay, isla markaana heegan u ah dagaalkasta oo kaga yimaada Kooxda Khaatumo seeg iyo cadow kasta oo damca weeraro inay ku soo qaadaan aadna isha ugu haya dhaqdhaqaaq kasta oo cadowgu wado.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: