.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, March 24, 2013

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waftigiisii Oo Durba Ka Bilaabay Imaaraadka Hawlihii Shaqo Ee Ay U Tageen

 
- Wasiirka Madaxtooyadda dawladda Imaaraadka carabta Sh. Mansuur Binu Saa’id ayaa saaka si milgo iyo maamuus sare leh u qaabiley Weftigii uu watay madaxweynaha J. Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ee shalay socdaalka shaqo ku tagay dalkaasi.

Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka Carabtu waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay, sida uu Shabakada Caalamiga Ah Ee Gabiley News U xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer ugaga waramay qodobadda ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka carabtu wax kala qabto, kuwaasi oo iskugu jira mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenadda Imaaraadka carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayay nidaamka biyaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay dhuumihii biyaha soo qaadayay ku rakibaan ceelashii laga qoday xunbo weyne iyo jaleelo.

Waxa kale oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka codsaday inay wax kala qabtaan dhismaha jidka hal-bowlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ay hirgeliyaan laba cisbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo uu la soo qaaday Wasiirka Madaxtooyadda ee dalka Imaaraadka carabta inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta dugsiyo lagu barto farsamadda gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.

Geesta Kalena, Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah, Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.

Wasiirku waxa uu weftiga ka codsaday inay nashqadda dugsiyadda iyo cisbitaalada ay u baahan yihiin ka soo eegtaan dalka Imaaraadka si looga dhiso magaalooyinka Somaliland.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is afgarad, waxaanay labada dawladood isku waafaqeen inay ka wada shaqeeyaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.
 
Xigasho: Gabileynews

No comments: