.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 23, 2013

Madaxwaynaha J.Somaliland Iyo Wafdi Balaadhan Oo U Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Imaaraadka Carabta

 
'' Waxaanu ka soo wada hadali doonaana danaha iyo wax wada qabsiga iyo wax is weydaarsiga labada dal ee walaalaha ah''. President Ahmed Silanyo
 
- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay ku farxeen marti-qaadka uu ka helay dawladda Imaaraadka carabta isla markaana ay dalkaasi kala hadli doonaan wax wada qabsiga labada dal. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta ka dhoofayay madaarka magaaladda Xeebta ku taalla ee Berbera oo isaga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayaa ay ka qaaday diyaarad khaas ah oo dawlada dalkaasi ay u soo dirtay weftiga Madaxweynaha, halkaasi oo weftigu socdaal sadex maalmood qaadan doona ay ugu kicitimeen.
 
Madaxweynaha Somaliland oo madaarka ugu waramayay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Waxaan u ambo-baxaynaa dalka Imaaraadka carabta, halkaasi oo nalaga marti-qaaday. Waxaanan muddo gaaban ku maqnaan doonaa dalkaasi Ishaalaah. Martiqaadkan naloo fidiyay oo ah mid ku saabsan saaxiibtinimadda labada dal.”
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ku farxeen marti-qaadka Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi;
 
“Waxaanu ka soo wada hadali doonaana waa danaha iyo wax wada qabsiga iyo wax is weydaarsiga labada dal. Marti-qaadkanna waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxnay. Waxaana aanu filaynaa inuu noqdo mid labada dalba ka faa’iidi doonaan wanaaga, saaxiibtinimadda iyo shaqaynta inaga dhaxeysa ee dhinacyada badan leh, ”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
 
Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku ladhay “Markaa Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa in socdaalkani noqdo mid aflaxa oo aynu ku guulaysano''.
 
Madaxweynaha oo la weydiiyay inay dawlada imaaraadka carabta ka wada hadlayaan qodobadii ay hore uga wada hadleen iyo inuu jiro qodobo cusub oo ay ka wada hadlayaan labada dhinac, waxaanu yidhi “Wixii hore looga wada hadlay iyo wax cusub-ba waa laga wada hadli doonaa inshaalaahu Tacaalaa. Waxaanu socdaalkayagu qaadan doonaa laba illaa sadex cisho.”

Madaxweynaha Somaliland oo jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay la kulmayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo in kale, waxaanu kaga jawaabay “Balan naloo balan qaaday oo la yidhi cid baad la kulmaysaan ma jirto, wax meesha ku jirana ma aha.”

“Annaguse haddii aanu cid la kulmayno wixii danta Somaliland ku jirto ay meel walba waanu ka sheegaynaa. Dantayadda waanu ka hadli karnaa. Laakiin wax naloo sheegay iyo wax naloo balan qaaday midna ma jirto,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
Waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.
 
Xigasho: Somaliland.org

No comments: